berberatoday.com
“Waxaan La Yaabay Saska Ay Xukuumaddu Ka Qaaday Shirkaasi Iyo [Sababta] Xaaraan Ka Dhigtay; Kuwii Ay Qolada Xukunka Haysataa Hore Qabsadeenna Xalaal Ka Dhigay!!”Cali San Yare
July 14, 2016 - Written by Berbera Today

Siyaasi Cali-Sanyarre Oo Jawaab Ka Bixiyey Xaasaasiyaddii Ka Dhalatay Shirkii Masallaha Ka Dhacay Iyo Dareenkii  Uu Xambaarsanaa

“[Shirkii Hore] Wuxuu Ahaa Mid  Deegaamaysan Oo Ay Isugu Yimaadeen Labeenta Deegaankaasi, Waan Sheegayaaaye Hadda-na Waxaa Jira Guddi Qaban-qaabo Oo Iclaamin Doona Shir-weyn”

++++++

“Waxaan La Yaabay Dad War-baahintu Soo Tebisay Oo Wax Aan Dhici Karayn U Turjuntay In  Shirkaas Loola Jeeday,  [Kuwaasna] Waxaan U Qaatay In Laga Dembeeyey Oo La Siyaasadeeyey”Cali Sanyare 2

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirkii hore ee wasaarada qorshaynta qaranka xukuumaddii UDUB Md. Cali Ibraahin Maxamed (Cali Sanyare)  ayaa ka war bixiyey shir ay iskugu yimaadeen siyaasiyiin uu ka mid ahaa oo galabnimadii Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay xaafadda Masallaha ee Magaallada Hargeysa.

Cali-sanyare oo shalay waraysi siiyey Weriye Xamse Cali Bulbul Oo HCTV ka  tirsan waxaa uu sheegay in uu ka xun yahay dareenkii loo fasirtay shirkaasi in uu huwanaa, waxaanu ka warramay ujeeedada ay qabashadiisa ka lahaayeen. “Marka hore waan ka xumahay sida loo fasirtay shirkaas, waayo shirkaasi waxa uu ka hadlayey danaha dadka degan deegaanada ay ka soo jeedaan dadkii iskugu yimid shirkaasi, kuwaas oo ku falan qeeyey waxa isku keeni kara kana hadlay inay ka dheeraadaan wixii kala qaybin kara, markaa waxa uu ahaa shir deegaamaysan oo runtii ay iskugu yimaadeen labeenta dadka deegaanadaasi.” Sidaa ayuu yidhi Md. Cali Sanyare, waxaanu intaa ku daray laba shay oo uu sheegay in ay layaab ku noqotay  isaga “ Waxaan la yaabay laba shay, midi waxa weeyaan saska ay xukuumadu ka qaaday shirkaas iyo dad u turjuntay  in loola jeedo wax aan dhici karayn,  oo xaalad abuur colaadeed ka sheekeeyey oo ka hadlay waxyaabo badan oo aanay goob joog u ahayn. Markaa anigu waxaan u qaatay  inay ahayd wax laga danbeeyey lana siyaasadeeyey oo aan meesha ku jirin.”  “Waxaan la yaabanahay shirkaas ay qaateen deegaanadaasi waxa xaaraan ka dhigay ee kuwii hore ee dhacay ee waliba qolada xukunka haysataana qabsadeen xalaal ka dhigay, waa wax lala yaabo iyo saskaa laga qaaday ee ay warbaahintu noo soo tabisay.”.  Sidoo kale waxa uu sheegay inuu jiro shir weyn oo ay iskugu iman doonaan beelaha galbeedka Burco iyo koonfurta Hargeysa haatana ay shaqaynayaan guddida qaban qabaada shirkaasi, waxaanu yidhi “Waanan sheegayaaye dadku hadayba mar  isku yimaadaan go,aan ayaa ka soo bixi doonaa hadana guddi qaban qaabo ayaa shaqaynaysa kuwaas oo iclaamin doona shir weyn oo kii hore ka weyn, markaa ma sheegi karo wax ka soo bixi doona laakiin wax danahooda ah ayuunbaa ka soo bixi doona.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews