berberatoday.com
Khilaaf Ka Dhex Curtay Maamulka Sare Ee Shirkadda DP WORLD Iyo Wiilka Siilaanyo Soddogga Uyahay+ Amar Qandaraas Cusub Oo Safiirku Dalbaday In La Siiyo Qandaraaska Iibka Qalab Dekeda La Keeni Doono Iyo Shirkadda Oo Ganafka Ku Dhufatay, Kuna Goodiday Inay Saamiga Madaxtooyadda Ka Saareyso Heshiiska
July 15, 2016 - Written by Berbera Today

Dubai(Berberatoday.com)-Warar iyo xoggo rasmi ah oo uu dhuundaloola Shirkadda Dp World iyo Wiilka Madaxweyne Siilaanyo Sodogga u yahay ahna Safiirka Imaaraad ee Somaliland Baashe Cawil ayaa sheegay inuu Khilaaf ba’ani soo kala dhex galay. Kaddib markii Safiir Baashe Cawil ka dalbaday Shirkadda DP WORLD inay siiso qandaraaska lagu soo Iibinaayo Qalabka Dekedda la keenayo oo iskugu Jira Cagaf-cagafyo iyo Qalabyo kaloo aad u waaweyn.

Hase-yeeshee Shirkadda DP WORLD ayaa ganafka ku dhufatay dalabka Safiir Baashe, iyagoo ay Masuuliyiinta Shirkaddaasi ku wargeliyeen Safiirka arrin aanu ka fileyn. Waxanay u qadimeen inuu caqabad ku yahay Heshiiska Dp World iyo Somaliland wada galeen, iyagoo ku siffeeyey sababaha ugu weyn ee dadka deegaanka Dekeddu ku taalo kaga soo qorjeedan ku diidan yihiin Saamiga uu ku leeyahay Safiir Baashe oo aanay raali ka ahayn.

Geesta kale, Safiir Baashe Cawil laftiisa ayaa isna kaga dareen celiyey sid xoggaha lagu sheegay inuu xaq u leeyahay soo Iibinta alaabtaa, waxanu ugu hanjabay shirkadda Dp World inaanay Cid kale siin Karin qandaraaska uu ka dalbaday, Balse waxa ay hanjabaadaasi sii dhalisay cadho ku sii korodhay Maamulka Shirkadda Dp World, iyagoo u sheegay inay u celinayaan Saamiga uu ku leeyahay Dekedda, sidaasi daraadeedna uu hirgeli karo heshiiskaasi Haddii shacabka iyo deegaanka wax loogu daro, oo laga saaro Safiirka iyo Saamiga uu ku leeyahay.

Si kastaba ha ahaatee, Khilaafkan ka dhex qarxay Shirkadda DP World iyo gacan yaraha qoyska Madaxtooyada Safiir Baashe Cawil ayaan la daadaalin karin sida loogu helo Maaro, maadaama oo Wiilkan Madaxweynuhu sodogga u yahay-na uu leeyahay awood saameynteeda leh oo uu xata ku joojin karo heshiiska, iyadoo dhinaca kalena Shirkadda DP WORLD-na ay damacsan tahay inay meeshaba ka saarto qorshaha saamiga Madaxtooyadda oo Safiir baashe ku magacaaban yahay. Sidoo kale, Shirkadda Dp World ayaa si weyn isha ugu haysaa inuu xalka ugu weyn ee heshiikani ku hirgeli karo tahay in meesha laga saaro saamiga shaqsiyaadka uu kamid yahay Safiir Baashe Cawil, waxanay Maamulka DP World aamin san yihiin inuu hirgeli karo heshiisku haddii Gobolka Dekeddu ku taaloo ee Berbera dadweynaha degga wax loogu qabto Saamiga cid gaar ah lagu raali-gelinaayo.

Dadweynaha ku nool Gobolka Saaxil ayaa mudooyinkii u danbeeyey Farriimo xagga Email-ka ah u gudbinaayey Shirkadda Dp World waxanay Maamulka Shirkadan Carbeed si weyn ula socdaan dhaqdhaaqaqa xoogan ee lagaga soo horjeeddo wareejinta Dekedda Berbera, iyaddoo xukuumadda madaxweyne Siilaanyo-na ku fashilantay inay Bulshadda deegaanka ku qanciso Faa’iidada ugu jirta Qaranka Somaliland u gacan gelinta Dekedda Berbera ee shaqaysaa Shirkaddan Carbeed, balse waxay dhawr jeer Xukuumaddu ku celcelisay inay Deked Cusub ka garab-yagleelayaan Dekeddan dhisan. Hase-yeeshee qorshaha dhismaha Dekeddaa Cusub ayaan muuqan, waxana jira dhaqdhaaqa keliya oo lagu wareejinnaayo Dekeddan dhisan ee uu isticmaalo Qaranka Somaliland, taasoo laf-dhabar u ah dakhliga lagu Warabiyo Somaliland.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews