berberatoday.com
“Xilligu Waa Goor Wax Saar, Golaa Lagu Dheelayaa Garsoore Ka Yahay Shacbigu..” Maansada Gurmad Ee AHN Abwaan Gaarriye
July 15, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxaanu Halkan Idiinku soo gudbinaynaa Maansada GURMAD ee AHN Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye). Abwaanku wuxuu ku bilaabmay Maansada Gurmad sidan ee Akhris Wanaagsan:-

Gun baa Haan Laga unkaa

Duq baa geel loo tubaa

Gaw baan ka aqaan durbaan

Waxaan Geed lala kacaa

Gankaad tahay erey la da’ ah

Gefkana bashar baad u tahee

Hadaad garowdo khalad

Gob bay caadadeed tahay

 

Waxaan godobtiisu hadhin

Gar aad leedahoo uu ogyahay

Nin kaaga masuugay gole

Waxaa gabay lagu saxdaa

Candhuuftu gashaa dalqada

Markuu milil guud ka dhayo

Golxoo dhami maaha dane

Mar bay ged kaleeto tahay

Dibnahoo ku gariira iyo

Gangada waxaa keenta been

 

Waxay tixdu ka gaabsataa

Damiirku markuu Gam’aa

Hadduu hal ku seegay geed

Waxaad gocataa hurdada

 

Intaa guntayoo dhigeee

Hadduu geeraar wax taro

Maxaan gelin dhexe onkoday

Maxaan goohay oon talamay

Adoo gabalkaagu dumay

maxaan gudcur bajiyoo

u daaray cadceed gayiga

maxaan galab oogay shamac

Waxaan guuraha meershiyo

waxaan subax loogay gool

hadday gees kaa mareen

maxaad farta iigu godi

dhegtaadaa soorgad lehe

miyaan gir-girif yaraa

 

Maxaad Godladaa Araar

Shabeelkaa gurboodku dhalay

ku idhi waxaa gooyay aar

sowkii Alle gowrac yidhi

mayee waxa laysay garo

 

Haddaan gu’ga kuu kordhaa

Gabow mooyee ku tarin

Garaad iyo waayo arag

Ileyn wax ma dhaantid Geed

 

Ku soo noqo goobta iyo

Garoonka ciyaartu taal

 

Xilligu waa goor wax saar

Golaa lagu dheelayaa

Garsoore ka yahay shacbigu

Waxaa guul sheegan kara

Qof ay u gartaan iyagu

Haddaad tahay guur u meer

Garaabo adoon qub-qubin

Adoon umadda isku gubin

Dadweynahoo soo Gam yidhi

Waxaad ka gadeyso mari

Abaalkana waan gudnaa

Waxaad noo gashee horiyo

Gadaal waxaad maagan tahay

Adoon gelin ceeb Nin kele

Bal noo sheeg waa golee

Waxay dadku kaa gutaan

Kol ay tahay gaafanow

Haddaad gallad waydo kale

S-tii gudahaan ahoo

Ri’ baan beri gees ka riday

 

Intaa guntayoo dhigee

Nimaad kala gees tihiin

Inuu libintiisa gado

Ninkii yidhi guul ka dhigo

Alaylehe wuu lug go’ay

Ninkii yidhi gaal diloo

Gartiisana sii ma maqal

Xaqsoor nin ku gaadhi kara

 

Rag uu ka dhexeeyo Geel

Hadduu kala geeyo damac

Waxa isu geysa dane

Allow garansii nin moog.

 

Galool mudhay oo farcamay

dhudaha goonyaha u fiday

Hadday kala gaar yihiin

Guntay ka midaysan yihiin

Haddaad gorod diidan tahay

Ku koob dirirtaada gorod

Ha nicin gobolkuu ka yimid

Ha Giijin Xadhkaha ha jarin.

Ha goynin Waxa la isku yahay.

 

Magliga gacan loola baxay

Gudaha uma dhaadhacdee

Ha gaadhin laftaan ku idhi

Afkaagana godob ka dhowr.

Mar baa jirta Gumuc la riday

Gelaafto Ninkii Ridee

Nin iinloow Daa’ Gujada…

 

La Soco Qayb kale

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews