berberatoday.com
84 Qof Oo Lagu Dilay Dalka Faransiiska Xalay Iyo Dhaawaca Oo Boqol Ka Badan
July 16, 2016 - Written by Berbera Today

Nice(Berberatoday.com)-Ugu yaraan 84 ruux oo qaarkood Carruur yihiin, ayaa dhintay kaddib markii gaadhi nooca Xamuulka qaada ah Xalay la jiidhsiiyey Dad Magaalada Nice ee Dalka Faransiiska ugu dabaaldegayay Munaasabadda Bastille oo Sannad kasta 14-ka July lagu qabto halkaa. Waxaana dhaawac ka soo gaadhay Dad ka badan 100.

Madaxweynaha Faransiiska, Francois Hollande, ayaa sheegay in aan sinaba loo diidi karin in dhacdadani ay ahayd weerar argagixiso, inkasta oo aanay Cidna weli sheegan Masuuliyadda Weerarkaasi oo ahaa nooc Cusub.

Rai’sal wasaaraha Faransiiska Manuel Valls ayaa ku dhawaqay saddex maalmood oo aas qaran ah oo Sabtida ka bilaabanaysa.

Dacwad oogaha Nice, Jean-Michel Pretre, ayaa sheegay in gaadhiga uu xawaaro dheer dadka ku dhexmarayay masaafo laba kiilo mitir ah, ka hor inta aanay boolisku toogasho ku dilin darawalkii waday.

Dadkii goob joogeyaasha ahaa waxay sheegeen in darawalka gaadhigu oo kolba dhan u weecinayay si geeridu u badato.

Gudaha gaadhiga waxaa laga dhex helay hub iyo bambooyin, waxaana baadhitaan ku haya Gaadhiga iyo goobta ay wax ka dhaceen Askarta argagixiso la dagaallanka ee Faransiiska.

Madaxweyne Hollande ayaa shaaciyay in Faransiiska uu ku sii jiray xaaladda degdeg ah, isla markaasna kumannaan millateri iyo boolis isugu jira ay ka qeyb qaadan doonaan sugida ammaanka dalkaasi.

Warbaahinta Faransiiska ayaa sheegeysa in warqado aqoonsi oo gaadhiga laga dhex helay ay muujinayaan in darawalka uu ahaa Faransiis asal ahaan Tunisia kasoo jeeda.

Nice

Weerar ka dhacay Magaalada Nice, ayaa Adduunka oo dhan laga cambaareeyay, hoggaamiyaha Jermalka Angela Merkel ayaa ka sheegtay kulanka madaxda Yurub iyo Aasiya in ayna sharixi karin waxa ay dareemayaan Faransiiska saaxiibadii.

Madaxwayne Obama ayaa dhacdada ku tilmaamay mid aad u qaab daran wuxuuna tilmaamay in Maraykanku garab taagan yahay Faransiiska.

Madaxwaynaha Ruushka Putin wuxuu sheegay in Ruushku uu garab taagan yahay dadka Faransiiska ee wakhtigan adag ku jira.

Markii ay soo baxday in dhalashada ninkaasi tahay Faransiis asalkiisu ka soo jeedo Tunuusiyana dawladda Tunuusiya ayaa cambaaraysay oo argagixiso ku tilmaantay.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews