“Annagu Muddo-kordhin Ma Ogine Halloo Diyaar-garoobo Doorashada..” Guddoomiyaha Guurtida Somaliland”Daawo Muuqal
July 16, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa gaashaanka ku dhuftay jiritaanka hadal-hayn aad u soo noqnoqonaysay toddobaadyadii u dambeeyey oo muujinayey dib u dhac mar kale ku yimaadda doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada ee March 2017-ka u muddaysan iyo muddo-kordhin mar labaad loo sameeyo Madaxweyne Siilaanyo iyo Ku-xigeen Saylici.
Hase-yeeshee, Guddoomiye Saleebaan oo Sabtidii Maanta hadal ka jeediyey Furitaanka Kal-fadhiga Lixdanaad ee Golaha Guurtida Somaliland, ayaa sheegay in loo baahan yahay inay Mudanayaasha Guurtidu u diyaar-garoobaan doorashooyinka soo socda sidii ay uga qaadan lahaayeen doorkooda..