berberatoday.com
“Annagu Muddo-kordhin Ma Ogine Halloo Diyaar-garoobo Doorashada..” Guddoomiyaha Guurtida Somaliland”Daawo Muuqal
July 16, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa gaashaanka ku dhuftay jiritaanka hadal-hayn aad u soo noqnoqonaysay toddobaadyadii u dambeeyey oo muujinayey dib u dhac mar kale ku yimaadda doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada ee March 2017-ka u muddaysan iyo muddo-kordhin mar labaad loo sameeyo Madaxweyne Siilaanyo iyo Ku-xigeen Saylici.

Hase-yeeshee, Guddoomiye Saleebaan oo Sabtidii Maanta hadal ka jeediyey Furitaanka Kal-fadhiga Lixdanaad ee Golaha Guurtida Somaliland, ayaa sheegay in loo baahan yahay inay Mudanayaasha Guurtidu u diyaar-garoobaan doorashooyinka soo socda sidii ay uga qaadan lahaayeen doorkooda..

Guddoomiyaha Guurtidu waxa uu beeniyey inaanay jirin wax uu ogyahay oo la xidhiidha dib u dhac ku yimaadda doorashada iyo Muddo-kordhin loo sameeyo Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka oo ku fadhiya muddo kordhin sannad iyo toban bilood ah oo loo sameeyey markii ay dhammaanayeen shantii sano ee sharciga ahaa ee la doortay.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Guurtidu waxa uu ka hadlay nabadgelyada looga baahan yahay gobollada Bariga Somaliland deegaanno ka tirsan oo colaado iyo khilaafyo beeleed ka taagan yihiin iyo diiwaangelinta maanta ka bilaabantay gobolka Sanaag oo ah kii shanaad ee ay diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Somaliland ka bilaabanto.

Hadalka Guddoomiyaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ka jeediyey furitaanka Fadhiga koowaad ee Kal-fadhiga Lixdanaad ee Aqalka Odayaasha iyo qodobbada uu halkaas kaga sheekeeyey-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews