Madaxtooyada Somaliland Oo Ka Hadashay Xaaladda Madaxweyne Siilaanyo Oo Ku Sugan Turkiga
July 16, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxtooyada Somaliland, ayaa Caawa ka hadashay Xaaladda ammaan ee Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Marwada koowaad ee Qaranka Aamina-weris oo Shalay Safar ku tagay Dalka Turkiga.
Guutooyin ka mid ah Ciidammada Milletariga Turkiga, ayaa Caawa isku dayey inay Inqilaabaan Xukuumadda Madaxweyne Erdogan, waxaana Arrintaasi ka bilaabmay Xaalad amni daro, ka dib markii uu dagaal dhex maray Ciidammada inqilaabka doonayey iyo kuwa ka soo horjeeday.
Madaxtooyada oo la socotay Xaaladda Dalka Turkiga ee Wakhtigan, ayaa War-saxaafadeed ka soo saartay Xaaladda Nabadgalyo ee Madaxweynaha Somaliland, waxaana War-saxaafadeedkaa lagu yidhi sidan:-