Madaxweynaha Dalka Turkiga Rajab Tayib Ardogan Ayaa Ka Hadlay Afgambigii Milatari Ee Fashilmay
July 16, 2016 - Written by Berbera Today
Istanbul(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa kasoo muuqday telefishin gaar loo leeyahay isaga oo ay ku hareereysan yihiin taageerayaal badan kuna sugan garoonka diyaaradaha ee magaalada Istanbul.
Mr Erdogan ayaa sheegay in kuwa ka dambeeyay afgembiga u muuqda inuu dhicisoobay, ay muteysan doonaan ciqaab adag.
Waxa uu intaa ku daray in hadda loo baahan yahay “nadiifinta ciidanka qalabka sida ee dalkaasi”.
Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Binali Yildirim, ayaa sheegay in xaaladda dalka ay “inta badan gacanta ugu jirto dowladda” ka dib markii ay qeyb ka mid ah milateriga sheegeen in ay la wareegeen xukunka dalka.