Shacabweynaha Reer Somaliland Oo Soodhaweeyay Afgambiga Lagu Sameeyay Dawlada Turkiga Iyo Sababta Ay Utaagreen”Qalinkii Axmed Nuur Warsame
July 16, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Badiba dadweynaha Reer Somaliland ayaa soo dhaweeyay in la afgambiya dawlada Dalka Turkiga ee uu hogaaminayo Madaxweyne Rajab Tayib Ordagan oo faragalin ba,an kuhaysay dawlada Somaliland islamarkaana hadiyo jeer ka shaqaynaysay in aan dawlada Somaliland Madax banaanideeda ka qaadanin wixii laysku odhan jiray Somaliweyn oo ay kala goeen 1991kii
Sidoo kale Madaxweynaha dawlada turkiga iyo dawladiisu waxa ay hadiyo jeer ka shaqeeyaan sidii Somaliland uga sii mid ahaan lahayd dawlada Taag daran ee Xamar, waxaana la ogyahay in fargalin badan dawlada turkigu ku samaysay Qaranka Somaliland sida iyada oo misku dayday inay wada xzaajood kala yeelato Cuqaasha Somaliland arimaha wada hadalada Somaliland iyo Somaliya taas oo gacan adag ku qabtay Xukumada somaliland digniin adagna udirtay Xukumada Turkiga iyo cuqaasha arimahaas lala xidhiidhinaayay.