berberatoday.com
Tiro Ka Badan 1500 Oo Saraakiil Millateri Ah Oo Loo Xidhay Af-gambigii Ka Dhacay Turkiga Iyo Shacabka Oo Gacantooda Kusoo Qabqabtay Ciidamada Afganbiga Sameeyay (Sawirro)
July 16, 2016 - Written by Berbera Today

Ankara(Berberatoday.com)-Ugu yaraan 90-qof ayaa ku dhintay, illaa 1154 Ruux oo kalena way ku dhaawacmeen Af-gambigii dhicisoobay ee xalay ka dhacay dalka Turkiga, kaasoo Qorshihiisu ahaa in xukunka looga tuuro Xukuumadda dalkaas ee uu hoggaamiyo Recep Tayyip Erdogan.20167166360424050013039452d81ec9ac814fe3a50da5e61d25a634aSidoo kale, Saraakiil Millateri oo tiradoodu tahay 1,563 – ayaa loo xidhay Af-gambigaan dhicisoobay, iyadoo Madaxweynaha Dalkaas uu ku Hanjabay Saakay in ciidamadii ka dambeeyay Afgambiga ay muteysan doonaan ciqaab adag. Ciidamadii Af-gambiga fuliyay qaarkood ayaa la arkayay iyagoo isku dhiibaya ciidanka xukuumadda Ankara, waxaana sidoo kale waddooyinka ugu muhiimsan caasimadda dalkaas ee Ankara iyo weliba magaalada Istanbul iyagana ku sugnaa shacab fara badan oo is-hor-taagaya Taangiyada iyo gadiidka kale ee ay wateen ciidamada afgambiga fulinayay. Wararka ayaa intaas ku daraya in Taliyihii Millateriga Turkiga Jeneraal Hulusi Akar oo ay ciidamada afgambiga sameeyay afduub ahaan u haysteen ayaa hawl-gal gaar ah oo ay Diyaaradaha Dagaalku ka fuliyeen Magaalada Ankara lagu soo furtay, sida ay baahinayaan Warbaahinta Turkiga. Dhanka kale, Wararka ayaa sheegaya in Jen. Hulusi Aka uu hadda hoggaaminayo hawl-gallada lagu qab-qabanayo Saraakiisha Millateriga ee Af-gambigan abaabulay, welina uu hawl-galkaasi socdo. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Goor-dhaw wuxuu dib ugu laabtay Caasimadda dalkaas ee Ankara, isagoo shacabka dalkiisa ku ammaanay sida ay uga hortageen kooxaha afgambiga waday, Taangiyadii ay wateenna ugu khasbay inay dib u laabtaan.20167166360424052163521888a5c8cb7b209380fdc56ded7484db4fa2016716636042405527694751a5b0d52e638b14afd15e2577108f62a5201671663604240562947922859fcdd636d5ad7e012c5df064666d159201671663604240570416410130544130dffb331a524ab5ee9074904aBerberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews