TURKIGA: Ciidammo Isku Dayey Inay Inqilaabaan Madaxweyne Erdogan Iyo Wararkii U Dambeeyay
July 16, 2016 - Written by Berbera Today
Istanbul(erberatoday.com)-Qayb ka mid ah Ciidammada Milletariga ee Dalka Turkiga, ayaa isku dayey inqilaab ka dhan ah Xukuumadda sida Dimuqraadiga ah ee loo doortay ee Madaxweyne erdogan.
Milletariga, ayaa la wareegay Telefiishanka Dawladda Turkiga, Garoonka Diyaaradaha ee Istanbul isla-markaana xidhay Laba Biriij oo ku yaalla badhtamaha Magaalada Istanbul.
Warbaahinta caalamiga ah, ayaa soo tabisay Diyaaradaha Dagaalka iyo Helicopterro dul heehaabaya Magaalooyinka Ankara iyo Istanbul, kuwaasi oo qayb ka ah Hawl-galka Ciidanku ku doonayaan inay kula Wareegaan Awoodda dalkaasi.