berberatoday.com
TURKIGA: Ciidammo Isku Dayey Inay Inqilaabaan Madaxweyne Erdogan Iyo Wararkii U Dambeeyay
July 16, 2016 - Written by Berbera Today

Istanbul(erberatoday.com)-Qayb ka mid ah Ciidammada Milletariga ee Dalka Turkiga, ayaa isku dayey inqilaab ka dhan ah Xukuumadda sida Dimuqraadiga ah ee loo doortay ee Madaxweyne erdogan.

Milletariga, ayaa la wareegay Telefiishanka Dawladda Turkiga, Garoonka Diyaaradaha ee Istanbul isla-markaana xidhay Laba Biriij oo ku yaalla badhtamaha Magaalada Istanbul.

Warbaahinta caalamiga ah, ayaa soo tabisay Diyaaradaha Dagaalka iyo Helicopterro dul heehaabaya Magaalooyinka Ankara iyo Istanbul, kuwaasi oo qayb ka ah Hawl-galka Ciidanku ku doonayaan inay kula Wareegaan Awoodda dalkaasi.

Raysal-wasaaraha Dalka Turkiga, ayaa laga soo xigtay in Ciidammadu doonayaan inay inqilaabaan Dawladda, laakiin aanay u suurto-galeynin.

160524194258_turkey_president_erdogan_512x288_epa_nocredit

Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo safar ku joogay Koonfurta Dalkaasi, ayaa Warbaahinta u sheegay in lagu soo duulay Dimuqraadiyadda Turkiga, laakiin ay ka hor-tagayaan oo aanay Ciidanka u suurto-geli doonin inay xukunka Qabsadaan.

Ciidammada Inqilaabka Samaynaya, ayaa Afduub u haysta Taliyihii Guud ee Ciidanka Milletariga Turkiga, lamana oga halka ay ku hayaan.

 La Soco Wixii ka soo kordha Warka.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews