War Deg Deg Ah”Degmada Sheekh Nin Maskaxda Ka Jiran Oo Laba Ruux Ku Dilay Waran Kuwo Kalena Ku Dhaawacay
July 16, 2016 - Written by Berbera Today
Sheekh(Berberatoday.com)-Degmada sheekh ee katirsan Gobolka Saaxil waxa Caawa fiidkii abaara 8dii ka dhacay dil iyo dhaawac uu gaystay nin waalan ama maskaxda ka jirin oo lagu magacaabo Cabdillahi Cali Dhaqasho. waxaanu nin kani qudha kaga jaray waran uu sitay sadex ruux halka uu lix ruux oo kalena ku dhawaacay warankaas ama Mujrim uu sitay ninkan oo kamid dadka ku dhaqan degmada sheekh ayaa waxa uu ahaa nin maskaxda jiran oo in mudo ahba sitay Warankaas uu dadka ku laayay, Marxuumiinta ugeeriyooday warankan ninka waalani la dhacay ayaa lakala odhan jiray Maxamed Cawil Dhegjar(Dhajiye)iyo Gaaruf Jaamac Bacaleel sidoo kale dadka dhawaaca halista ahi kasoo gaadhay weerarkan ninka Maskaxda ka jirani ku qaaday waxa kamida Cabdi Wiindhe oo dhaawac halis ah uu gaadhsiiyay kaas oo loola cararay dhinaca cisbataalka magaalada Burco ilaa hadana aan la ogayn xaaladiisu siday tahay.