berberatoday.com
War Deg Deg Ah”Degmada Sheekh Nin Maskaxda Ka Jiran Oo Laba Ruux Ku Dilay Waran Kuwo Kalena Ku Dhaawacay
July 16, 2016 - Written by Berbera Today

dhaawacyoSheekh(Berberatoday.com)-Degmada sheekh ee katirsan Gobolka Saaxil waxa Caawa fiidkii abaara 8dii ka dhacay dil iyo dhaawac uu gaystay nin waalan ama maskaxda ka jirin oo lagu magacaabo Cabdillahi Cali Dhaqasho. waxaanu nin kani qudha kaga jaray waran uu sitay sadex ruux halka uu lix  ruux oo kalena ku dhawaacay warankaas ama Mujrim uu sitay ninkan oo kamid dadka ku dhaqan degmada sheekh ayaa waxa uu ahaa nin maskaxda jiran oo in mudo ahba sitay Warankaas uu dadka ku laayay, Marxuumiinta ugeeriyooday warankan ninka waalani la dhacay ayaa lakala odhan jiray Maxamed Cawil Dhegjar(Dhajiye)iyo Gaaruf Jaamac Bacaleel sidoo kale dadka dhawaaca halista ahi kasoo gaadhay weerarkan ninka Maskaxda ka jirani ku qaaday waxa kamida Cabdi Wiindhe oo dhaawac halis ah uu gaadhsiiyay kaas oo loola cararay dhinaca cisbataalka magaalada Burco ilaa hadana aan la ogayn xaaladiisu siday tahay.

Waxa kaloo dhaawacy kala duwan uu ninka waalani gaadhsiiyay kadib markii boolisku eryaday afar dumara oo uu iyagana waranka kudhaawacay kuwaas oo dhaawacyadooda lagu dabiibayo cisbataalka Degmada sheekh waxa kaloo ninka waalani dhaawac gaadhsiiyay kahor intii aan la qaban mid kamida askarta booliska degmadsa sheekh ee qabashadiisa ku hawlanayd

Wararka nasoo gaadhayaa waxa kaloo ay sheegayaan in ninka Maskaxda ka jirani raga uu laayay uu ku wareeray Makhaayad ay ku qayilayeen isaga oo warankiisa sitay waxaanu marxuumiinta dhintay kala beegsaday waranka uur kujirta iyo cunaha oo uu ka galgaliyay isaga oo kadinka makhaayada iska taagay.

ciidamada Booliska Degmada sheekh oo mudo eryanaayay gacan kudhiiglahan ayaa aakhirkii qabtay gacanta kudhigay isaga oo khaarajiyay laba ruux shan ruux oo kalena dhaawacy kala duwan gaadhsiiyay sidoo kale warka aanu helay waxa uu sheegaya in rasaastii ciidamada boolisku ku ridayeen ninka kahor intii aanay qabanin ay ku dhacday wiil yar oo caruur ah kaas oo dhaawaciisa lagu daaweynayo cisbataalka Degmada sheekh waxaana sidaas usheegay shabakada wararka Berberatoday.com dad goobjoogayaal ah oo kusugan degmada sheekh iyo xubno katirsan xildhibaanada golaha deegaanka Degmada Sheekh oo aanu kula xidhiidhnay khadka tilifoonka sidoo kale Taliyaha Ciidanka Booliska degmada sheekh Aamin Maxamed Cabdi oo aanu iskudaynay in aanu falkan keenay dilka dhaawac in aanu wac ka weydiino ayaanay noo suuragalin in aanu helo tilifoonkiisa gacanta oo xidhnaabalse warka aanu helay waxa la xaqiijiyay dhimashada labada ruux iyo dhaawacyada lix ruux oo uu kujiro wiilka yar ee xabadu ku dhacday

wixii warar kasoo kordha kala soco shabakada wararka Berberatoday.com/net

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews