berberatoday.com
Xukuumadda Turkiga Oo Shaacisay In Lasoo Gaba-gabeeyay Af-gambigii Xalaadduna Daggen Tahay
July 16, 2016 - Written by Berbera Today

Istanbul(Berberatoday.com)-Xukuumadda Turkiga ayaa si rasmi ah goor-dhaw ugu dhawaaqday in lasoo afjaray Afgambigii dhicisoobay ee dalkaas ka dhacay, iyadoo hawl-gallo la sameeyay lagu Qab-qabtay Kumannaan sarkaal oo ka tirsan Millateriga dalkaas.

1

Madaxweynaha Dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in Af-gabigaan uu ku lug lahaa wadaadka Musaafuriska ku maqan ee Fatholahi Ghulam, Laakiinse Wadaadkan ayaa eedeyntaas iska fogeyay, isagoo sheegay inaysan jirin wax lug ah oo uu ku lahaa.

Ku-simaha taliyaha millateriga dalka Turkiga, Umit Dundar oo warbaahinta la hadlay goor-dhaw ayaa sheegay in hawl-galkii lagu soo afjarayay Afgambiga dhicisoobay lagu guuleystay, ayna xukuumaddu gacanta ku hayso Amaanka guud ee dalka.

“Turkigu wuu ka guuleystay kooxdii waalnayd oo bambooyinka ku weeraray Xarunta Baarlamaanka iyo shacabkooda, mana dhici doonto in kooxahaas si fudud lagu cafiyo,” ayuu yiri Umit Dundar.

2

Sidoo kale, RW Dalka Turkiga, Binali Yildrim oo isaguna shacabka Turkiga kala hadlay Warbaahinta – ayaa sheegay in wixii dhacay ay ahaayeen isku-day Af-gambi oo keliya, balse uusan dhicin wax Af-gambi ah, lagana guuleystay kooxihii isku-daygaas sameeyay.

“Isku-daygaan waxaa sameeyay 2,839 askari iyo saraakiil isugu jira, kuwaas oo ka tirsanaa Millateriga Turkiga, dhammaantoodna ciqaab adag ayaan la marisiin doonaa,” ayuu hadalkiisa ku daray Yildrim.

Dhanka kale, Wararkii ugu dambeeyay ee Af-gambigan kasoo baxaya ayaa ku warramaya in 190-qof ay ku dhinteen intii uu afgambiga iyo hawl-galladu ay socdeen, kuwaasoo ay ku jiraan 41-saraakiil ah oo ka tirsan booliiska dalka Turkiga.

Ugu dambeyn, Wararkii ugu dambeeyay ayaa waxay ku warramayaa in xaaladdu ay hadda tahay mid deggen, inkastoo waddooyinka Ankara iyo Istanbul ay ku sugan yihiin ciidammo fara badan

 

 

Berberatoday.com.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews