berberatoday.com
Dhacdo yaab leh :- Nin Qudbi sheekh ku aasan yahay qotey + Waakuma sheekh ku aasani? Iyo Qisaduu kala kulmey
July 17, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Maamulka Gobolka Selal  Oo Ka Hadlay Dad Loo Xidhay Qudbiga Sheekh Ibraahim Saylici Oo La Qotay

qudbi

 

Saylac (Berberatoday.com):-  Qudbiga   iyo xabaasha Alle ha u naxariistee Sheekh Ibraahim Saylici oo ku yaalla magaalada Saylac oo  ka mid ahaa aasaasayaashii  iyo culimadii waawaynayd ee magaalada Saylac,ayay booliska degmada Saylac ee gobolka Selal gacanta ku dhigeen nin la sheegsay in uu qotay xabaalaha  qadiimiga ah ee qudbiga oo ay ku jirto xabaasha Sheekh Ibraahim Saylici.  Guddoomiyaha gobolka Selal Axmed Maxamed Xaashi  oo uga warramay Warbaahinta dawladda, dhacadan oo maalmihii la soo dhaafay si weyn loo hadal hayay,  ayaa sheegay in ay jiraan dad rumaysan in xabaalihii hore ee qadiimiga ahaa in laga helo waxyaabo ay ka mid yihiin dahab iyo alaabooyin kale. Waxaanu intaa ku daray intii uu joogay gobolka Selal inay ugub ku tahay sheekadani gobolka, waxaanu sheegay inay nin u xidheen kiiskan isla markaana baadhis lagu wado asbaabihii ku kalifay inuu qoto qudbigan. “Waxaa jirta fikrad khaldan oo ay dadka qaar aaminsan yihiin oo odhanaysa dadkii hore iyo hantidooda waa la isla aasi jiray oo qofka iyo waxyaabaha u gaarka ah waa la wada xabaali jiray,tusaale ahaan seef dahab ah iyo waxyaabo kale oo qaali imika ah laakiin arrimahaasi waa kuwo aanay waxba ka jirin,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Gobolka Selal. Guddoomiyuhu waxa uu ka hadlay ninka u xidhan iyo sida uu ku galay qudbigan oo xeri degan tahay, waxaanu yidhi  “Anigu (Guddoomiyaha)  intaan joogay gobolka  waa dhacdadii ugu horraysay qofka ku kacayna waa nin ka mid ah xerta qudbiga degan oo uu muruudkii qudbiga oo Boorama ku maqani kaga sii tegay, markii uu qotay ee uu wax  ka waayayna wuxuu isku dayay in uu baxsado laakiin ciidanka booliska ayaa soo qabtay waanu xidhan yahay.  wax Qudbiga lagala baxay iyo wax qubuuraha laga helay midna ma jirto.  wuu qoday waxna wuu ka waayay, ka dibna in uu baxsado ayuu isku dayay laakiin waa la soo qabtay gacanta waa lagu hayaa,arrintiisana baadhis ayaa ku socota oo ciidanka booliska ayaa ku hawlan imikana wuu xidhan yahay.” Sheekh Ibraahin Saylici Alle ha u naxariistee ayaa ka mid ahaa cumilada waawayn ee reer Somaliland isla markaana ka mid ahaa dadkii cuilmada ahaa ee diinta Islaamka ummada soo baray culimo waawaynina ay ka soo aflaxday cilmigiisa waxaana laga joogaa wakhtigii uu geeriyooday muddo ku siman qarniyo.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews