berberatoday.com
Guddoomiye Cirro iyo Shacabka Ceerigaabo oo kuwada Shaahey Makhaayada Kofeega(SAWIRO)
July 17, 2016 - Written by Berbera Today

Ceerigaabo(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo maalmahii ugu dambeeyey isaga iyo wefti uu hoggaaminayey ay magaalada Ceerigaabo ku joogeen socdaal lagu ay ku wacyi-gelinayaan qaadashada kaadhka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Somaliland, ayaa maanta boqolaal ka mid ah shacabka magaalada Ceerigaabo kala shaaheeyey maqaaxida caan ka ah ee Kofeega oo ku taala galbeedka magaaladaasi.

Waxaana booqashadan guddoomiye Cirro ku wehelinaayey xubno ka mid ah xisbiga WADDANI, Xildhibbaanada la kala yidhaahdo xildhibbaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte) iyo Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan oo labada ba laga soo doortay deegaankan Ceerigaabo, Salaadiin iyo Cuqaal ay horkacaayeen Suldaan Shaadhcase, Boqor Cabdi Cadde iyo Jiif Caaqil Maxamuud Cali Maxamuud iyo weliba sida oo kale haween, dhallinyar  iyo dadweyne kale oo aad u tira badan ku waasi oo uu sii joogay goobta uu guddoomiyahu ka shaaheynaayey.

Dadweynahii halkaas ku sugnaa, ayaa dhammaantoodba waxa ay ka sinnaayeen soo dhaweynta guddoomiye Cirro iyaga oo ku dhawaaqayey hadalo ay ku muujinayaan dareenkooda rabitaan iyo weliba sida oo kale heelanaanta ay u qabaan hoggaamintiisa, iyaga oo ifiyey in ay ka shacbi ahaan ay taageero buuxda ay u hayaan xisbiga WADDANI isla mar ahaantaana ay hormuud u yihiin isbedel dhabba oo ka hirgela guud ahaan dalka.

Ugu dambeyntiina, kaftan iyo wada-sheekaysi badan ka dib oo uu guddoomiye Cirro la wadaagay shacabkii uu halkaas kula kulmay, ayaa waxa uu kula dardaarmay in ay ka qeyb-qaataan diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Somaliland si ay uga dhabeeyaan isbedelkooda rabbitaan ee ay ugu heelan yihiin siddii dalka loogga hirgelin lahaa dawlad ku dhisan cadaalad, sinnaan iyo horumar.

IMG_3645IMG_3654IMG_3655

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews