berberatoday.com
Hay’ad Ka Shaqaysa Hargeysa Iyo Muqdisho Oo Lagu Xidhiidhiyay Afgambigii Turkiga Oo Laga Eryay Somalia
July 17, 2016 - Written by Berbera Today

NILE-Academy-Turky-in-Muqdisho-SomaliaMuqdisho(Berberatoday,com)-Dawladda Soomaaliya ayaa amar ku bixisay in muddo todoba cisho gudahood ah ay hay’adda Nile ee turkiga ahi  kaga baxdo dalka, isla markaana waxay xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh albaabadda u laabtay gebi ahaanba xafiisyaddii hay’addaasi ku lahayd Muqdisho iyo hawlihii ay ka wadayba.

War go’aankaa xambaarsan oo dawladda soomaaliya soo saartay wuxuu u dhignaa sidan; “Xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay isla garteen qodobada soo socda iyadoo la tix-gelinayo codsiga dowlada Turkiga kuwaasoo kala ah:

  1. In la joojiyo adeegyadii ay bixin jirtay Hay’ada Nile Academy ee Dugsiyada, Isbitaalada iyo wixii kale oo hoos-yimaada.
  2. In hawl-wadeenada Nile Academy ay muddo toddoba Casho gudahood ah ay uga baxaan Dalka, taasoo ka billaabanaysa 17-ka bishan July 2016-ka oo ku beegan Axadda maanta.
  3. Dowladaha Somalia iyo Turkiya waxay si wadajir ah u ballan-qaadayaan in adeegyadii Caafimaad iyo Waxbarasho ee ay bixin jirtay Hay’adaasi sidoodii u sii socon doonaan. Maamul cusub-na loo sameyn doono.”

Geesta kale Sida lagu sheegay war ka soo baxay golaha xukuumadda soomaaliya, shir ay shalay ku yeesheen golaha wasiiraddu magaaladda Muqdisho waxay ku go’aamiyeen in hay’adda Nile ay wiig gudihii kaga baxdo soomaaliya, isla markaana waxa la sheegay in talaabaddaa xukuumadda Soomaaliya ay u qaaday codsi uga yimi dawladda Turkiga ee Madaxweyne Recep Erdogen dartii, taasoo ka dalbatay dawladda Soomaaliya in ay hay’addaa  dalkeeda ka soo saarto. Talaabaddan ayaa dhacday waqti yar uun kadib markii la sheegay in Madaxweyne Erdogen ka badbaaday isku day ciidamadda Turkiga qaybo ka mid ahaa ay ku doonayeen inay kula wareegaan taladda dalkaa, kaasoo ay fashiliyeen dadka Turkiyiintu .

Warku wuxuu intaa ku daray in hay’adda Nile lala xidhiidhiyay raadadka dadkii lugta ku lahaa inqilaabkii fashilmay ee habeen hore ka dhacay Turkiga, gaar ahaan waddaadka 75 jirka ah ee  Fethulah Gullen oo musaafuris ugu nool dalka Maraykanka, kaasoo ay xukuumadda Turkigu ku eeddaysay inuu ka dambeeyay afgambigaa fashilmay, balse isagu dhankiisa beeniyay si wayna u cambaareeyay kuwii ku kacay falkaa.

Dhanka kale hay’adda Nile ayaa Somaliland ka shaqaysa kuna leh Iskuulo, balse ma cadda in xukuumadda somalilandna ka qaadan doonto go’aan la mid ah kaa Muqdisho iyo in kale.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews