berberatoday.com
Madaxweynaha Turkeyga Erdogan oo Dawlada Maraykank ka Codsaday in ay u soo Gacan Geliyaan Fathullah Gulen.
July 17, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Turkish-prime-minister-Re-012Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa ugu baaqay dowladda Mareykanka inuu si deg deg ah ugu soo wareejiyo Wadaadka lagu magacaabo Fathullah Gulen, kaasoo lagu eedeynayo inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay afgambigii dhicisoobay.

Erdogan oo meel fagaare ah kala hadlayay kumanaan taageerayaal isugu soo baxay magaalada Ankara ayaa ku eedeeyay Fathullah Gulen inuu maleegay afgambiga, waxaana uu ka codsaday mareykanka inuu ku soo wareejiyo.

“Mudane Madaxweyne waxaa si deg deg ah kaaga codsanayaa inaad Fathullah Gulen nagu soo wareejiso”ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga oo codsi gaar ah u jeediyay Madaxweyne Obama.

Wadaadka lagu magacaabo Fathullah Gulen ayaa sanadihii u dambeeyay ahaa dibad joog, kadib markii ay isku dhaceen isaga iyo Madaxweyne Erdogan, wadaadkan ayaa ku sugan Gobolka Pennsylvania ee dalka Mareykanka.

Fathullah Gulen ayaa beeniyay eedeynta ka soo yeertay Madaxweynaha Turkiga ee ahaa inuu ka dambeeyay isku daygii afgambiga.

Illaa 3,000 oo ruux oo isugu jira askar, saraakiil ciidan u badan Generalo ayaa loo xiray isku daygii afgambiga fashilmay, waxaana dadka la xiray ka mid ah Taliyihii hore ee Ciidamada Cirka oo xiriir la lahaa Fathullah Gulen.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews