berberatoday.com
“Wax Cadow Ku Ah Somaliland Ma Joogi Karaan Itoobiya, Cadowga Itoobiyana Ma Joogi Karo Somaliland” Cabdi Maxamud Cumar(Ilay).
July 17, 2016 - Written by Berbera Today

Jigjiga(Berberatoday.com)-Wefti ka socday dawladda Somaliland oo uu hogaaminayay Wasiirka wasaaradda arrimaha dibada Dr. Sacad Cali Shire, ayaa kulan la yeeshay  Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya  Cabdi Maxamuud Cumar oo ay weheliyaan  xubno ka tirsan golihiisa Wasiirrada.

cumar

Kulankan oo khamiistii  ku qabsoomay xarunta madaxtooyadda dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya (DDSI) ee magaaladda Jig-jiga, waxay  kaga wada hadleen labada dhinac  qoddobo  ay ugu muhiimsanaayeen amniga iyo sii xoojijnta xidhidihka siyaasadeed ee labada geesood.

Madaxweynaha dawlad deegaanka Somaalida Itoobiya   Mr. Cabdi Maxamuud Cumar oo isagu ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in kulankan ay labada dhinac wada qaateen uu daaranaa, hishiiskii hadda ka hor ay labada dhinac wada saxeexdeen waxaanu yidhi “Waxa jiray heshiis hada ka hor dawladda Faderaalka, wasaarada arrimaha dibada, Wasiirka Daakhiliga, Somaliland ay u wada dhammaayeen, heshiiskaasina waxaa uu ku saabsanaa sugida amniga xadka Somaliland iyo Itoobiya, loona wada adkeyn lahaa xidhiidhka dhanka ganacsiga iyo xidhiidhka bulsho, markaa heshiiskii in la sii xoojiyo ayaanu ka wad hadalnay.”

Madaxweynaha DDSI  waxa kale oo uu xusay in heshiiska lagaga wada hadlay sii xoojinta xidhiidhka labada bulsho, maadaama aanu cadawga Itoobiya joogi karin Somaliland ka Somaliland-na aanu joogi Karin Itoobiya, waxaanu yidhi “Cadowga Somaliland ma joogi karo Itoobiya, sidoo kalena cadawga Itoobiya ma joogi karo Somaliland, dadka Somaliland iyo dadka dawlad deegaaneedka Soomaalida Itoobiya-na ay yihiin dad walaalo ah, waana dad walaaltinimo ay ka dhaxeyso oo ay dani ka wada dhaxayso, waana in markasta xidhiidhka wanaagsan ee bulshada la sii horumariyo, hadday noqoto ka nabadgalyada iyo ka maamulka suuban, iyo ka wada shaqeynta ganacsiga, waana in la sii horumariyaa markastaba, lana sii xoojiyo, wixii Somaliland dan u ah uun baa Itoobiyana dan u ah, gaar ahaan Dawlad deegaaneedka Soomaalida Itoobiya, waxaananu arrinkan ka wada hadalnay Wasiirro badan oo uu ka mid yahay Wasirka arrimaha dibada, ka arrimaha gudaha iyo masuuliyiin kale, aad baanu ugu faraxsanahay aad baanuna u soo dhaweynaynaa.”

“Dawlada Faderaalka Itoobiya siyaasadeeda ugu dambeysaana waxaa weeyaan, Somaliland inay horumarkeeda daneynayso, Somaliland wanaageeduna inuu yahay wanaaga dawlada Faderaalka, taasina Somaliland si wanaagsan ayay u og tahay, annaguna si fiican ayaanu u og nahay, Hargeysa nabada taalaana inay Jig-jiga taallo, Jig-jiga nabada taalana ay Hargeysa taallo, ayaanay dantu ku jirtaa, markaa cid kasta oo isku dayda inay xadka Somaliland iyo Itoobiya u dhaxeeya, gaar ahaan ka dawlad deegaaneedka Soomalida Itoobiya dhibaato ka abuurto, inaanay ka abuuri Karin, waayo waa dad walaalo ah,”ayuu yidhi Mr. Cabdi Muxumed Cumar, isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku kabay “Weftigan Somaliland ka yimid waa wefti sharaf leh, oo karaamo leh, oo aragti fog leh, kuwaasi oo na tusay Itoobiya kal-gacalka ay u hayaan, si ficil ahna nagu tusay, oo aanu ka wada hadalnay arrimo badan oo dhanka amniga la xidhiidha”

Ugu danbeyn, waxa uu hambalyo u diray Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),  waxaanu yidhi “Waxaan halkan hambalyo iyo salaan uga dirayaa Madaxweynaha Somaliland iyo shicibkiisa, labada shacabna waxaan leeyahay cadow baa jira ee yaanay cadawgu si dhib yar idiinka faa’iideysanin, wax si dhib yar lagu xalin karana yaanay dhibaato innoo horseedin danta Somaliland-na waa danta Itoobiya.”

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo isaguna madashaasi hadal ka soo jeediyay ayaa dawlad deegaaneedka Soomaalida Itoobiya uga mahad celiyay soo dhaweyntii wanaagsanayd ee ay u sameeyeen  waxaanu yidhi “Madaxweynaha dawlad deegaanka, Wasiirradiisa iyo saraakiishiiba sidii qiimaha laheyd ee ay noo soo dhaweeyeen waanu uga mahad naqaynaa , sidoo kale Madaxweynaha iyo masuuliyiintiisaba waan ku hambalyaynayaa horumarka  balaadhan ee ay ka sameeyseen dawlad deegaaneedka Soomaalida Itoobiya,  kaas oo ah mid ay Somaliland ku dayan karto iyo wadamada gobolkuba.”

Wasiir Sacad Cali Shire, ayaa iftiimiyay in Somaliland iyyo Itoobiya ay wadaagaan iskaashi iyo cilaaqaad saaxiibtinimo oo qoto-dheer, waxaanu yidhi  “Somaliland iyo Itoobiyana waa laba dal oo jaar ah, oo cilaaqaad qoto dheer leh, oo wax badan wadaaga oo haddii mid xanuun ku dhaco ka kale  dareemaayo, ujeedada Socdaalkayaguna waxaa ay aheyd in xidhiidhkaa taariikhiga ah ee adag ee dhan walba ah sidii loo sii xoojin lahaa, haddii ay tahay dhinaca amniga iyo dhanka bulshadaba, iyo dhanka waxbarashadaba iyo hadday tahay dhanka dhaqaalahaba, si wanaagsan ayaaanu u wada hadalnay, si wanaagsana waa uu noogu dhammaaday, oo is af-garasho leh.”

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamad Warancade oo  ayaa hoosta ka xariiqay in waxa ugu weyn ee ay ka wada hadleen uu ahaa sidii labada shacab iyo labada dawladoodba nabad-gelyo ugu wada noolaan lahaayeen, waxaanu yidhi “haddii ay tahay dawladda Itoobiya iyo hadday tahay ta dawlad deegaankaba, waxaanu leenahay heshiis balaadhan, kuna saabsan sidii loo ilaalin lahaa, ee loogu wada noolaan lahaa nabad-gelyo xuduudaha ka dhaxeeya, Somaliland iyo Itoobiya waxaanu ku taamaynaa inaanu nabad ka dhalino, nabad waartana lagu wada noolaado haddii ay shacabka Somaliland yihiin iyo haddii ay ka Itoobiya yihiinba, khaas ahaana ka dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxyaabihii aanu ka wada hadalnay, siweyn ayaanu isugu afgaranay, waxaananu dadka na sugaya aanu u sheegaynaa in arrimihii aanu ka wada hadlaynay ay si nabadgelyo ah ku dhammaadeen, wax wanaagsana dhab ahaantii aanu kala kulanay.”

Dhanka kale marka laga reebo Wasiirrada Arrimaha dibadda iyo arrimaha gudaha, waxa weftiga dawladda Somaliland ka mid ahaa Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Cali Xaamud Jibriil, Wasiirka Wershadaha Shucayb Maxamed Muuse iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) waxaanay weftigu dib ugu soo laabteen habeen hore.

 

 

 

Berberatoday.com 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews