“Waxaynu U Baahanahay Xukuumad Dadku Ku Noollaado Ee Aanay Madaxduun Ku Noollaan”Suldaan Daakir Xasan Khaliif
July 17, 2016 - Written by Berbera Today
Ceerigabo(Berberatoday.com)-Suldaan Daakir iyo suldaan Nadiif S. Jibriil, ayaa siyaabo iska soo horjeedda uga hadlay xaallada, isla markaana wuxuu mid ka mid ahi ku baaqay in la taageero xisbiga Waddani, halka kalena ka jawaabay ee ka taageeray Kulmiye.
Suldaan Daakir khudbad uu ka jeediyey goob ay isugu yimaadeen taageerayaal ka tirsan xisbiga Waddani ee magaalada Ceerigaabo, waxaanuu yidhi,“Wallaalayaal waxaad og tihiin in xukuumado badan soo mareen dalkeena, laakiin waxa muhiima oo mar kasta wannaagsan inaynu ogaano xukuumadda aynu doonaynaa astaamaha ay leedahay, waxaynu u dooraneyno iyo waxaynu u baahanahey inaynu ogaano waa daruuri. Maaha shacabku innuu iska socdo, laakiin waa in la dareemaa maxay xukuumaddan maanta kaga duwanaaneysaa.”