berberatoday.com
“Waxaynu U Baahanahay Xukuumad Dadku Ku Noollaado Ee Aanay Madaxduun Ku Noollaan”Suldaan Daakir Xasan Khaliif
July 17, 2016 - Written by Berbera Today

Ceerigabo(Berberatoday.com)-Suldaan Daakir iyo suldaan Nadiif S. Jibriil, ayaa siyaabo iska soo horjeedda uga hadlay xaallada, isla markaana wuxuu mid ka mid ahi ku baaqay in la taageero xisbiga Waddani, halka kalena ka jawaabay ee ka taageeray Kulmiye.

Suldaan Daakir khudbad uu ka jeediyey goob ay isugu yimaadeen taageerayaal ka tirsan xisbiga Waddani ee magaalada Ceerigaabo, waxaanuu yidhi,“Wallaalayaal waxaad og tihiin in xukuumado badan soo mareen dalkeena, laakiin waxa muhiima oo mar kasta wannaagsan inaynu ogaano xukuumadda aynu doonaynaa astaamaha ay leedahay, waxaynu u dooraneyno iyo waxaynu u baahanahey inaynu ogaano waa daruuri. Maaha shacabku innuu iska socdo, laakiin waa in la dareemaa maxay xukuumaddan maanta kaga duwanaaneysaa.”

Suldaanku wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi, “Tanse dhibka aynu ku arragno ee aynu ku diidanahay muxuu yahay? Waxaynu u baahanahay xukuumad ku dhisan cadaalad oo aan dadka kala qoqobin oo qabyaalad kala dhex dhigin ayeynu u baahanahay. Waxaynu u baahanahay xukuumad aan tuubada u ridin dad gaara siin ee ummadda oo dhan siisa. Waxaynu u baahanahay xukuumad shacabku ku noolado ee aaney madaxdu ku noollaan. Waxaynu u baahanahay xukuumad dadka korisa ee uma baahnin xukuumad guryo  naftooda u dhista. Waxaynu maanta taas ku gaadhi karnaa xisbiga Waddani. Xukuumaddii iyada ayaa maanta isku mashquulsan, markaa Madaxweynaheenu sharaf ayuu naga mudan yahay waxaanu leenahay ducaqabe, laakiin ninka aynu la tartamaynaa waa Muuse Biixi. Raggii Madaxweyne Axmed Siilaanyo la soo halgamay ayaanu nahay hangool ayuu naga dhigtay.”

Dhanka kale Suldaan Nadiif Saydh Jibriil oo ay isku beel ka soo jeedaan Suldaan Daakir ayaa ka jawaabay hadalkaa, isla markaana sheegay inay  beel ahaan taageersan yihiin Xisbiga talada haya ee KULMIYE, waxaanu yidhi; “Beesha Sanaag taalla ee Gabooye, waa Beel Xisbiga KULMIYE ah, waxaan leeyahay wuu idinla joogaa Xisbigii KULMIYE, waxa idinla jooga Guddoomiye Ku-xigeenkii, waxa idinla jooga Madaxweyne Ku-xigeenkii, waxa idinla jooga Wasiirradii iyo Badhasaabyadii ee u taga.”

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews