Afrika Oo Yeelatay Hal Baasaboor Iyo Madax Caan Ah Oo La Siiyey Baasabooradii Ugu Horeeyey+Sawiro
Kigali(Berberatoday.com)-Magaalada Kigali ee dalka Rwanda ayaa waxaa maanta ka furmay shirka madaxda Afrika ee 27-aad, kaasoo looga hadlayo xaaladda wadanka Koonfurta Suudaan, miisaaniyadda qaaradda iyo doorashada golaha Midawga Afrika.
Madaxda Afrika ayaa isku raacay baasaboor cusub oo qaaradda oo dhan ka dhexeeya, kaasoo la siin doono dadka oo dhan kaddib marka uu si rasmi ah u dhaqan galo.
Baasaboorkan oo ah mid ay maamuleyso hay’adda Midawga Afrika ayaa lagu bilaabay madaxweynaha dalka Chat oo sidoo kale ah madaxa Midawga Afrika, Idris Debi iyo madaxweynaha dalka martigelinaya shirka ee Rwanda, Paul Kagame.