Berbera”Xoghayaha Dawladda Hoose Ee Berbera Oo Koob Ka Guddoomay Ururka Khayr Iyo Barako Ee Dalka Finland
July 18, 2016 - Written by berberatoday berberatoday
Berbera,(Berberatoday.com)-Xoghayaha Dawladda Hoose ee Magaalada Berbera Cabdikariin Aadan Siciid, ayaa xalay Koob ka Guddoomaym Guddoomiyaha ururka Khayr iyo Barako oo xaruntiisu tahay dalka Findland.
Munaasibadda uu Xoghayuhu koobka kula wareegay oo ka dhacday Xafiiska Xoghayaha ee dawladda Hoose waxaa goobjoog ka ahaa qaar ka mid ah madaxda waaxyaha kala duwan ee dawladda Hoose ka koobantahay.
Guddoomiyaha Ururka Khayr iyo Barako Xasan Cumar Hurre, oo goobtaas ka hadlay ayaa sheegay in ururkooda oo ka diiwaangashan dalka Findland uu ka shaqeeyo taakulaynta dadka tabaalaysan ee Somaliland, islamarkaana ay hore deeqo kala duwan u soo gaadhsiiyeen dalka.