berberatoday.com
Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Somalida Ethiopia Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Wafti Ka socda Waxgaradka Deegaanka Jaamac Dubad
July 18, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay weheliyaan afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq iyo wasiirka xafiiska shaqaalaha iyo arimaha bulshada mudane Axmed Koore ayaa saaka xafiiska madaxwaynaha kuqaabilay odayaal kasocday degmada gaashaamo iyo qabaleeyadeeda gaar ahaan qabalaha jaamac dubad.13775765_539236872934851_2426583509860540837_n

Odayaashan oo isugu jiray ugaasyo, suldaamo iyo caaqilo ayaa waxaa hogaaminayay ugaaska guud ee beeslaha habaryoonis Ugaas Xuseen Xaaji Geele.iyadoo ay kuwehelinayeen suldaan maxamad xaaji cabdilaahi xirsi, suldaan maxamed yuusuf xaaji faarax, jiif caaqil cali axmed maxamuud iyo jiif caaqil baashe muuse dhiif

Waxayna odayaasha iyo xukuumadu kawada hadleen sidii nabad loogu soo dabaali lahaa arinta xuduuda gaashaamo iyo shacabka dagan islamarkaana xal waara looga gaadhi lahaa arimaha kontarabanka ama ganacsiga sharci darada ah ee salka u ah dhibaatooyinka xududaha.

Dhanka kale, odayaasha ayaa cadeeyay inaysan hada jirin wax dhibaato ah oo shacabku si nabadgelyo ah kuwa dagan yahay. Iyo in cida keentay dhibaatadii hore ay ahaayeen dad aan deegaanka udhalanin balse gabbaad kadhigtay shacabka deegaankaas. Odayaasha ayaana intaa kudaray in xal kagaadhida arintaasina ay utaalo xukuumada DDSI iyo shacabkeeda oo kali ah balse aysan waxba kagalin warxumo tabiye aan deegaanka ahayn.

Ugudanbayna waxay xukuumada iyo odayaashu isku afgarteen inay jiridoonaan shirar wada-tashi ah oo xarunta deegaanka iyo gaashaamaba ka dhici doona

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews