berberatoday.com
“Puntland Ha Ogaato In Dul-qaadkii Naga Dhammaaday Oo Wax Kasta Uu Ka Horreeyo Difaaca Dalku”Guddoomiyaha Gobolka Badhan
July 18, 2016 - Written by Berbera Today

“Puntland Ha Ogaato In Dul-qaadkii Naga Dhammaaday Oo Wax Kasta Uu Ka Horreeyo Difaaca Dalku”Guddoomiyaha Gobolka Badhan
Badhan(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Gobolka Badhan ,Cabdixakiin Maxamuud Wahaabi,ayaa is adag uga jawaabay warar ka soo yeedhay Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland oo si daan-daansi ah uga hadlay diiwaan-galinta codbixiyeyaasha ee ka socota gobolkiisa iyo gobolka Sanaag.

Waxaa kale oo uu Guddoomiyuhu ku ammaanay dadweynaha gobolka Badhan sida wanaagsan ee ay ugu soo baxeen diiwaan galinta codbixiyeyaasha isagoo ku dhiiri galiyay in ay cududooda muujiyaan oo ay masiirkooda cod ku dooran karaan.

Waxaanu sidaa ku sheegay waraysi khadka tilifoonka uu ku siiyay xalay wargeyska Dawan isagoo ku sugan magaalada Badhan.

 

“Diiwaan galinta Codbixiyeyaashu si wanaagsan ayay uga socotaa guud ahaan gobolka Badhan waxaanay habsami ah uga socotaa oo dadweynaha ku dhaqani ay si weyn ugu soo baxeen diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha magaaloyinka Badhan,Dhahar,Hadaaftimo Xiingalool Ceel Bu iyo deegaanada hoos yimaadda oo dhan. Dadkuna aad ayay ugu heelan yihiin uguna diyaar yihiinin ay isu diiwaan-geliyaan doorashooyinka soo socda oo ay qaataan kaadhka Codbixinta inta sharcigu u ogol yahay ee gaadhay da’da codbixinta,”ayuu yidhi Guddoomiye Cabdixakiin Wahaabi.

 

Mar uu ka hadlayay dhawaaq daandaansi oo ka soo yeedhay madax ka tirsan maamulka Puntland ee Soomaaliya,ayuu yidhi. “Puntland dal iyo dad midna halkan kuma laha dal iyo dadba waa Somaliland waxaanan u sheegayaa nimanka Garoowe ee hadalka beenta ah isugu sheekaynaya kuna sheeganaya dal iyo dad aanay lahayn in Somaliland ay dalkeeda difaacanayso wax kastana ay ka horraysiinayso difaacidda dalka iyo dadkeeda hana ogaadaan madaxda Puntland in dulqaadkii naga soo dhammaaday oo aanaan dib ugu dul qaadan doonin daandaansiga ay waddo Puntland hadday nabad gelyo iyo daris wanaagga diidana Somaliland way ka go’an tahay difaacidda dalkeedu ee nabadu yaanay idiinka darin Garoowena ha idin qaado.”

 

Badhasaabka Badhan, Mar uu farriin u dirayay bulshada gobolka Badan waxaa uu yidhi. “Maanta ayay gacantiina ku jirtaa in aad go’aan ka gaadhi kartaan mustaqbalka aayihiina iyo in aad soo saari kartaan cidda aad dooraaysaan anigoo idinku hambalyaynaya sida wanaagsan ee aad ugu diyaarsan tihiin diiwaan gelinta ee aad ugu soo baxdeen, waxaan idinku sii baraarujinayaa in inta ay socoto la is wada diiwaan geliyo guud haan dadweynaha gobolka Badhan ee gaadhay xilliga codbixinta.”

 

Waxaa kale oo uu hambalyo u diray madaxda qaranka oo ay ugu horreeyaan Madaxweynaha iyo ku-xigeenka, ciidamada qaranka iyo booliska iyo madaxdooda. “Marka hore waxaan u mahad celinayaa ALLE oo suura galiyay in ay diiwaanglinta codbixiyeyaashu gobolka ka qabsoonto mar labaad waxaan u mahad naqayaa masuuliyiinta qaranka oo ay ugu horreeyaan Madaxwynaha iyo ku-xigeenka. Gudiga doorashooyinka,taliyeyaasha guud ee Ciidanka qaranka iyo booliska iyo guud ahaan ciidamada qalabka sida ee gobolka ku sugan oo si wanaagsanoo muwaadinnimo iyo dal kacayl ku dheehan yahay ammaanka u sugay dadkana si wanaagsan ula shaqaynayay,”ayuu yidhi Mr. Cabdixakiin Wahaabi.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews