berberatoday.com
SAFARKA M/SIILAANYO KADIB, QORSHAHA ISKU SHAANDHAYNTA EE SOO LAABASHADIISA IYO MASUULIYIINTA SAFKA HORE KU JIRA EE WADNAHA FARTA KU HAYA.
July 18, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

silaanyoHargeysa(Berberatoday.com)-Iyadoo Uu Madaxweyne Siilaanyo Safar Nasasho ah uu Saddexdii cisho ee u dambeeyay ugu maqnaa dalalka Turkiga iyo Itoobiya ayaa waxa la hadal hayaa inuu dalka kula soo laabanayo Qorshe uu shaqada kaga eryayo Masuuliyiin badan oo ka tirsan Golaha Wasiiradda,Qaarna isku shaandhaynayo,kuwaasi oo qaarkood durba laga dareemayo dhaq dhaqaaqooda,inkasta oo hore dib loogu dhigay Muranka ka taagan Wareejinta Dekeda Berbera.

Warar Madax Banaan oo Wargeyska Foore helay ayaa noo xaqiijiyay in Madaxweyne Siilaanyo marka uu ka soo laabto Safarkan ay Dalka Turkiga ugu Maqan yihiin isaga iyo Qoyskiisu uu seefta la dhex qaadi doono Golihiisa Xukuumadda kuwaasi oo ka hor intaanu dalka ka bixin u sii qorshaystay oo uu sii xushay. Sida la sheegay waxa ay talaabadani noqonaysaa qorshihii ugu dambeeyay ee uu Madaxweyne Siilaanyo Ku kala hufo Golihiisa Xukuumadda ka hor intaan la gaadhi dhamaadka Muddo xileedkiisa labaad,waxaanu ka shidaal qaadan doonaa Dhawr jiho oo ay ku jirto Dhisida Xisbiga Kulmiye iyo Hirgalinta Wareejinta Dekeda Berbera,isagoo Xulan doona islamarkaana la sheegay inuu magacaabi doono oo uu ku soo dari doono Xukuumaddiisa rag door ah oo magac weyn ku dhex leh Bulshada ku waasi oo uu rajaynayo inay la dhamaystiraan hawlo badan oo qabyo ka ah Xukuumaddiisa.

Masuuliyiinta Safka hore kaga jira Liiska Xukuumadda laga caydhinayo ayaa sida la sheegay waxa ay u badan yihiin Gobolka Gabiley iyo Gobolka Saaxil,waxa sida la sheegay kaalinta koowaad ku jira Masuuliyiinta Xukuumadda kaga jira Gobolka Saaxil,kuwaasi oo Madaxtooyaddu si weyn u saluugsan tahay qaabka ay uga hawlgaleen Wareejinta Dekeda Berbera iyo sida ay u qaabileen kacdoonada Reer Saaxil ay kaga soo horjeedaan Heshiiska Xukuumaddu la gashay Shirkada Dp-World oo ay Waliba Xukuumaddu ka shaki qabto inay Masuuliyiintani qaarkood Kacdoonadaasi ay dabada ka riixayaan. Xisbiga Kulmiye ayaa saluug wayn ka qaba Masuuliyiinta Xukuumadda Kaga jira Gobolka Gabiley waxaana loo arkaa inay jiraan Masuuliyiin ka miisaan culus oo gobolkaasi ku ilaalin kara Muxaafidnimo kuwaasi oo uu Xisbigu aad u danaynayo in Xukuumadda lagu soo daro.

Sidoo kale waxa jira Wasaaraddo dhaliilo badani ay dul hoganayaan oo ay isha Madaxtooyaddu hayso,kuwaasi oo fadhiid noqday islamarkaana kaalin weyn Shaqada Qaranka kaga jira. Wasaaraddaha ay Isku shaandhayntani saamaynayso waxa ay ubadan yihiin Wasaaraddihii ay Wasiiraddu iska casileen ee sida deg deg ah loo buuxiyay waxaana wasaaraddahaasi ku dhacay Jaho wareer iyo Masuuliyiin aan laga fiirsan heerkooda aqooneed oo deg deg loogu buuxiyay taasi oo keentay inay ku haftaan,islamarkaana ay Shaqaalaha isla qabsan kari waayaan. Waxa iyaguna kujira Wasaaraddo loo dhiibay Masuuliyiin heer wasiirnimo ka meeqaam hooseeyay oo deg deg loo dalac siiyay wakhtigii Kooxda Wasiiradda ahi ay iscasileen, kuwaasi oo iyaguna Carqalad ku noqday hanaankii shaqo ee Wasaaraddahaasi,waxaana la rajaynayaa inay kuwaasi ka mid yihiin Meelaha Isku shaandhayntani saamaynayso ee uu Madaxweynuhu ka shidaal qaadanayo.

Source Foore

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews