Dalka Jabuuti Oo Boqol Dolar Oo Keliya Xajka Lagu Tagayo + Sababta.
Berberatoday.com*:- Dalka Jabuuti Oo Boqol Dolar Oo Keliya Xajka Lagu Tago + Sababta.Dalka Jabuuti ayaa waxaa boqol dollar oo kaliya lagu tagaya Xajka , wasiirka arrimaha Islaamka ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti Mudane, Muumin Xasan Bare, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in sii socod iyo soo socod ay boqol dollar oo kaliya ay ku soo xajayaan xujeydu.
waana markii ugu horeysay ee xujeyda dalka Jabuuti , ay qiimo sidan u jaban ku tagaan Xajka kuna soo xajo qofkasta oo u dalka Jabuuti,lacag aan dhaafsiisnayn boqol dollar
Waxaana Arinkani Uu Noqonayaa Mid Ka Duwan Wadamada Kale Inta Lagu Tago Ee Lacag Ahaan Ah Waxaana Arinkani U Fudaydiyay Dadka Xujaajta ah Ee Ku Dhaqan Wadanka Jabuuti Dawladda Oo Heshiis La Gashay Shirkada Duulimaad-Yada Ee Air Jabuuti Taasi Oo Sababtay In Xujaajtu Ay Diyaarada Toos Uga Raacaan Dalka Jabuuti Isla Dalkana Dib Loogu Soo Celiyo