Gudoomiyaha Maxkamada Sare Oo Dhambaal Tacsi Ah U Diray Shacabka Somaliland Iyo Eheladii Uu Ka Baxay Wasiir Ku Xigeenkii Wasaarada Cadaalada.
July 19, 2016 - Written by berberatoday berberatoday
Hargeysa(Berberatoday.com):-Gudoomiyaha maxkamada sare ee somaliland Proff Aadan Xaaji Cali dhambaal tacsi ah u diray shacabka somaliland iyo eheladii uu ka baxay wasiir ku xigeenkii wasaarada cadaalada iyo arimaha garsoorka ee somaliland Cismaan Axmed Jaamac oo xalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa.
Gudoomiyaha maxkamada sare ee somaliland Proff Aadan Xaaji Cali ayaa sidoo kale dhambaalkan tacsida ah gaadhsiiyey xubnaha golaha wasiirada ee uu marxuunku ka tirsanaa, waxaanu ilaahay ka baryey inuu samir iyo iimaan ka siiyo eheladiisa, xubnaha golaha wasiirada iyo guud ahaanba shacabka somaliland.