berberatoday.com
Maxaa Ka Jira In Wasiir Sacad Cali Shire Xukumada Somaliland Ku Dirqiday Inuu Kulan La Qaato Maalinta Bari Ah Dhalinyaro Waji Ku Macaash Ah+Xoga Laga Helaayo kulankaasi Halkan ka akhri
July 19, 2016 - Written by Berbera Today

Hargaysa(Berberatoday.com)-Waraka naga soo gaadha magaalada hargayasa ayaa sheegay in wasiirka wasaarada arimaha dibada somaliland Dr ..Sacad cali shire oo degaan ahaan ka soo jeeda gobolka saaxil labadii maalmood ugu danbeeyay ku hawlanaa inuu la kulmo odyaasha iyo waxgaradka ka soo jeeda gobolka saaxil si uu ugala xajoodo Wareejinta dekeda berbera madaama uu yahay wasiirka heshiiska dekeda berbera wareejinteeda ugu faro dhudhuuban degaanka gobolka saaxilna uu ka soo jeedo .isagoo hore odayaal ka soo jeeda gobolka saaxil ula kulmay balse kulamadoodaasi hore wax natiijo ah oo ka soo baxay Aanay  jirin oo  xukumadu ku qanacdo.  taas ayaa keenay inuu kulan  labaad ka dalbado odayaasha iyo waxgaradka degaanka saaxil gaar ahaan kuwa ku hawlan shirka degaanka baxarsaafka ka dhici doona ee Aayo ka tashiga gobolka saaxil ku sahabsan .waxaana wararka shabakada ceelgardinews.com helaysaa sheegayaan in odyaasha iyo wax garadkaasi ku gacan saydheen kulanka wasiir sacad cali shire  ka soo dalbaday ,,

download

Taas badalkeedina wasiir sacad uu ilaa maanta magaalada hargaysa kaga hawlanaa dhalinyaro waji ku macaash ah oo maalinta barito ah kulan la qaato arintaas oo ku guulaystay  isgoo Koox yar oo Aad u Kooban hargaysa iyo qaar magaalada berbera laga soo dirayo kulan kula qaadan doona Hotel Green pals ee magaalda hargaysa Dhalinyarada ayaa wararka qaar kood tibaxayaan inuu xukumada isga qancinaayo arimaha ay u soo xil saartay maadaama ay yihiin arimo muddoyinkii ugu danbeeyay xukumada somaliland wasiir s acad cali shire ku dirqiyaysay inuu dadka beeshiisa ee ka soo horjeeda wareejinta  dekeda berbera uu qanciyo maadaama uu yar hay wasiirka degaanka ka soo jeeda .Geesta kale labada wasiir ku xigeen ee wasaarada xanaanada xoolaha cali maxed cilmi (Cali Gadheer)  wasiirk ku xigeenka wasaarada warshada somaliland cali dhagoole Agaasimaha guud  ee wasaarada diinta Awqaafta somalilnd sh,saleeban siciid cali ayaa maalinta barito  kulan la qaadan doona shaqaalaha dekeda berbera oo xukumada somaliland u soo fartay inaan cid ka mid ah shaqaalaha dekeda berbera shirkada D. P.wolrd  shaqada ka eryi doonin ,in kastoo ariamaha balan qaadaka hore loo soo arkay oo haamaha shidaalka shaqalihii ay la wareegen 20 ku dhawaad shaqadii laga eryay sidaa daradeena shaqaalaha dekeda berbera ayaa fariinta ay xukumadu soo fartay wasiiro ku xigeenadan aan Aamin doonin

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews