berberatoday.com
AWR-BOOGEYS: Bilowga Shir-nabadeed Lagu Qaramaynayo Beelaha Dhulbahante Ee Bayrta Ka Qabay Naf-La-Qaybsiga Somaliland
July 20, 2016 - Written by Berbera Today

 Awr-boogays(Berberatoday.com)-Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo Hoggaaminaya Wefti Xukuumadda ka socda, ayaa Shalay Deegaanka Awr-boogays ee Gobolka Sool ka furay Gogol-nabadeed oo uu Madaxweynaha Somaliland u fidiyey Beelaha Maxamud Bari (Hiniinle) iyo Cabdiraxmaan Harti.

Shirkaasi oo u dhaxeeya Xukuumadda Somaliland iyo Beelahaas ayaa ka furmay deegaanka Awr-boogays ee Gobolka Sool, waxa ka qayb galay Boqollaal Ergooyin ka kala socday Beelahaasi, halka dhinaca Dawladda Somalilandna ay matalayaan Wasiirro ka mid ah Xukuumadda, Xidhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliland, kuwaasi oo uu dhammaantood halkaa u hoggaamiyey Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo furitaankii Shirkaa ka jeediyay hadal dhinacyo badan khuseeya, waxaanu yidhi, “Waxaanu idiinka mahad celinaynaa sidii qiimaha, Gobanimada iyo Garashada badnayd ee la noogu soo dhaweeyey Awr-boogays, si gaar ah waxaanu ugu mahad naqeynaa Waxgaradka, Waayeelka iyo dadweynaha reer Awr-boogayseed. Waxaanu waxgaradka iyo waayeelka shir-weynahan ka soo qayb galay ku hambalyeynaynaa Urursanaanta iyo abaabulka loxdan ee ka muuqda.”

Wasiirku wuxuu Shirka gaadhsiiyey Salaan uu u diray Madaxweynaha Somaliland, “Waxaan jecelahay inaan idin guddoonsiiyo salaan aan idiinka sido Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo aanu si rasmiya ugu Wakiil nahay, gogoshii nabadda ee uu dhigayna shirkani qayb ka mida uu yahay. Walaalayaal sharaf weyn ayey noo tahay in aanu idiin nimaadno, shirkana idinkala soo qayb galno, waa shir taariikhi ah, waa shir miisaan weyn leh oo ay isugu yimaaddeen beelaha laxaadkaa leh ee deegaanka balaadhan ka soo jeeda, waxa ka muuqata talo ka dambaysa oo maanta Beelaha miisaanka lihi in aanay u dambayn, sidoo kale Xukuumadda Somaliland waxa ay u aragtaa oo shirkani wuu u qiimaysan yahay, anagana talo nooga dambaysaa ma jirto, waxaanu u aragnaa shirkani inuu yahay kii aynu ku wada tashan lahayn. Shirkan ujeeddada aynu ka leenahay waxa weeye inaynu ku wada tashano in aynu turxaan saar ku samayno, in aynu ku abuurno iskaashi kuna xoojino wax wada qabsi iyo wada-shaqayn, waxaanu doonaynaa way caddahay,  waxa aanu qarinayno oo marba cid kula faqayno maaha, waxa aad doonaysaa way caddahay oo waanu garanaynaa, waxa aanaan garanayna waa noo sheegi doontaan…Qoodhi fagaare ayey ku War-sheegootaaye.. Markuu shirku noocan yahay laba faqda iyo waxa la isku qoor laabo wuu ka weyn yahay wax la qariyo ama lala hulaabtana wuu ka wayn yahay, dhaqanka aynu leenahay ayaa sidaas ah.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray Wasiir Maxamuud Xaashi, “Waxaanu wadnaa in aynu is-bogsiino, waxa aynu nahay dad Walaalo ah, dad dalka, dadka iyo daaquba ka dhexeeyo, dad Ab iyo isir wadaaga ayeynu nahay, dad kala maqnaan kara ma nihin, waxa aynu nahay dad wax wada leh, dad isu talin kara ma nihin, dada kala tashan karana ma nihin, waxa aynu nahay dad ku meel mari kara wada-tashi keliya iyo wax wada lahaasho inaga oo siman ILAAHAY ayaa ina simay, horena umaynaan kala sareyn jirin, maantana ma kala sarayn karno, maanta maynaan abuurmin, dad taariikh sooyaal ah leh ayeynu nahay.”

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay, “Rag isku talin kara oo is qabsan kara ma nihin, Rag cudud isku maquunin karana ma nihin, taariikhda nolosheena hore umay soo marin, imikana idinma muquunin karno, ma qabno in aanu idin maquunino, Ciidamo iyo qoryo in aanu ku qabsan karno Dhulbahante iyo deegaanadan aanu joogna ma aaminsanin, siyaasadayada maaha, waxaanu doonaynaa inaynu wax wada yeelano, inaynu cad wada guulno. Qaranimada Somaliland ma socon karto oo lama meel marin karo haddaydaan idinku nala wadin, oo gaadhiga shidkiisa iyo dushiisaba nala fuulin oo aydaan  nala hagin, haddii aydaan dirawal nala noqon Somaliland dhulkan ka shaqayn mayso. Somaliland oo qaybsan oo qaybi baraaqo tahay oo nabad iyo maamul ka jiro qaybina qasan tahayna dal ma noqon karto, taas khibradeeda iyo waayo aragnimadeedna waynu wada leenahay. Waxaanu doonaynaa inaanu dhisno Qaran la yidhaahdo Somaliland, waxaanu doonaynaa Dal Somaliland la yidhaahdo oo nabad ah, oo horumar laga hirgaliyo dhulkan, oo dawladnimo taam ah laga hir-geliyo, oo aad qayb ka tihiin, taladiisana wax leedahiin, oo miiska waxa lagu goynayo aad fadhidaan ayaanu doonaynaa, waana sida saxda ah.”

“Walaalyaal Xeedhada haddaad nagu tuhmayseen in aanu wax tuurta ku sidanay dhulka ayaanu dhigaynaa ee nala ogaada, gacanta nala geliya, nala qaybiya oo nala qorsheeya, taasi waa sida kaliya ee aynu ku noqon karno Ummad midaysan waxna ku wadaagi karno.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Hadal waliba hoos ayuu leeyahay, Maanta (shalay) waa daahfurkii iyo hadalka bilowgiisii, waynu wada hadli doonaa, waxa aynu geli doonaa arrimaha ina hor yaalla ee aynu doonayno inay xal u helno, si aynu boggeena burcad u marino, si aynu midnimo iyo horumar buuxda u meel marino, arrintaasi maaha mid ku koobnaan doontaa beelaha Maxamud Bari Hiniinle iyo C/raxmaan Harti, waxay tani hordhac iyo teed u noqon doontaa beelaha Dhulbahante oo dhan. Maaha siyaasaddayadu inaanu Dhulbahante qayb-qaybsano. Geella waa la isku hagaajiyaa, waynu isku hagaajinayaa Geella, darka ayenu isugu keenaynaa, arrimahaas oo dhan waynu Gacal-togaaleynaynaa, qabyana kaga tagi mayno xaajada.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews