berberatoday.com
Burco: Shir Waji-Kumacash Oo Lagaga Soo Horjeedo Shirka Beesha Gobolka Saaxil Ee Baxarsaafka Oo Faashil ku Dhamaadey Iyo Fariin Xodxodosho Ah Oo Wasiir Maxamud Xaashi Soo Faray Ganacsade Reer Saaxil Ah Oo Shirka Qaban Qaabinaayay
July 20, 2016 - Written by Berbera Today

shir3Burco(Berberatoday.com)-Shir uu qaban qaabadiisa lahaa Xubin kamid ahaan jiray Guddidii horumarinta Beesha Gobolka Saaxil ee Saqiirtay ee Dan iyo Duco oo Magaciisa layidhaahdo Maxamed C/laahi Mire ayaa Saaka Ka Qabsoomey Hotel Golis ee Magalaada Burco, Shirkaasi oo ay Saxaafadu Dibad joog ka aheyd ayaa waxa ka qayb galey qaar katirsan Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Awal Bari ee Gobolka Togdheer, kuwaasi oo lagu soo martiqaadey balse aan ujeedada Rasmiga ah ee shirkaasi waxba kala socon war badana aan ka haynin.

Shirkaasi ayaa Markii uu Bilaabmey waxa ibo Furey Ganacsade Maxamed C/laahi Mire oo isagu Odayaashani isugu Keenay Hoolka shirarka Ee Golis, ayaa hadalkiisa ku bilaabay oo yidhi “Waxan halka idinku soo Marti qaadey inaynu kawado hadalno Wacdiga imika Jira iyo sidii aynu u qaadaci lahayn Shirka Baxarasaafka ee dhawaan lagu baaqey inuu ka qabsoomo Degmada Laasgeel,oo aan u arko in aaney Dan weyn oo muhiin ahi inoogu jirin, ta kale dhawaan Waxa aanu kulaney Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo igu yidhi waxa loo bahan yahay in Beesha Ciise Muuse iyo Muuse Abokor Ee Habar jeclo, inay wado hadal u furno, si aynu uga heshiino Arrinta Dilkii Marxuum Taliye Caseyr ee bilihii inasoo dhaaftey Gobolka Saaxil kadhacay,dilkaasi oo ay u xidhxidhan yihiin Ku dhawaad 20 qof oo kiiskoodu mudooyinkii u dambeeyey uu Maxkamada Milateriga Somaliland uu ka Socday, Fariintaasi kadib waxa qaylo iyo Buuq,Sawaxan isla Oogsatey Madashii shirkaasi ka socday,waxana halkaasi ka kacey Rag badan oo ay ku jiraan Eng.Dabo-gaale iyo Muj.CabdiSamad Axmed Booni, kuwaasi ka biyo Dideen Qorshahaasi guracan ee lagu dabrayo qabsoomida Shirka Beesha Gobolka Saaxil ee Dhawaan ka dhici doonaya Degaanka Dacarbudhuq, waxaanu shirkaasi ku dhamaadey Is Afgaran waa lagu kala kacay.

Hadaba Shirkan maanta dhicisoobey ee ka dhacey Magaalada Burco ayaa la doonayey in lagu wiiqo,habsami u socodka iyo Mideynta Beesha Gobolka Saaxil oo mudooyinkii u dambeeyey wadey Shirar ay kaga Arrinsanayaan Ayahooda iyo Sidii ay uga bixi lahayeen Dhibaatooyinka ay Sababtey Xukumada Madaxweyne Silaanyo,shirarkaasi oo Madaxtooyadu u adeegsaneysay Masuliyiin iyo Shakhsiyaad ka soo jeeda Gobolka Saaxil, kuwaasi Oo loo Carbiyey Guulwadeynta ama Kacaameynta, islamarkaasina loo soo Xilsaarey inay Wiiqaan ama Burburiyaan Shirarkaasi Aayo ka tashiga ah, balse Bulshada ku Abtirsata Gobolkaasi ayaa ka dheregsan Shakhsiyaadkaasi iyo Danaha ay ka leeyihiin kale qaybinta Bulshada Beesha Dagta Gobolada Saaxil,Togdheer Iyo Maroodijeex

Sidoo kale waxa qaban qaabada shirkan isna qeyb ka ahaa balse aan goobta shirku ka dhacaayay imanin Suldaan Cismaan Tuulo oo dusha ka hagaayay maamadama oo uu isaga aanay bulshada reer Burco ee beeshan kasoo jeeda waxba ka dhagaysanin oo hore qorshayaasha madaxtooyada looga soo dhiibo loo arkay loona bartay

 

shir2

 

 

Cabdi iimaan Cabdillahi Maxamed

Berberatoday.com/Burco

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews