berberatoday.com
Ciidamada Itoobiya Oo Dad Shacab Ah Ku Laayay Deegaanka Awdiinle Oo Ka Tirsan Gobolka Bay
July 20, 2016 - Written by Berbera Today

Bay(Berberatoday.com)-Ugu yaraan 14-ruux oo Shacab ah ayaa la dilay, Saddex kalena way dhaawacmeen, kaddib iska-hor-imaad oo dulleedka Deegaanka Awdiinle ee Gobolka Bay oo Qiyaastii 30-km galbeed kaga beegan Degmada Baydhabo ku Dhex-maray ciidammo ka tirsan kuwa Itoobiya ee AMISOM iyo Xoogag ka tirsan Al-shabaab.

851df694ebb00b32995db3661777f316c23aaea1-19e6poa

Mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Bay ayaa dilkan ku eedeeyay Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM ay si aan kala sooc lahayn u toogteen dadkan rayidka ah, kaddib iska-horimaad kooban oo ay kooxo Al-shabaab ka tirsan kula galen deegaanka Awdiinle.

Axadii lasoo dhaafay ayuu falkan dhacay, waxaa deegaanka booqday shalay xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaroow isagoo u sheegay VOA-da in 13-ruux oo Shacab ah lagu dilay hal meel oo qura. Halka Qofka kalena uu dhintay isagoo isbitaal loosii wado.

“Waxay ahayd toogasho fool xun wixii ka dhacay Awdiinel,” ayuu yiri Yaroow oo horay u soo noqday wasiir ku xigeenka Amniga Somalia, Wuxuuna intaas ku daray in dadka deegaanka ay u sheegeen in ciidamada Itoobiya ay galeen deegaanka iyagoo eryanaya xubno ka tirsan Al-shabaab, balse ay si bareer ah u togteen dadkan oo u badan odayaal kuna sugnaa hal guri.

Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa xusay in ciidamadu ay dadkan toogteen wax ka jira aysan jirin wararka sheegaya in Al-shabaab ay soo galeen Awdiinle oo ay ku nool yihiin dad shacab ah.

“Dadka deegaanku waxay kaloo ii sheegeen in dadka ciidamadu laayeen ay qof jiran ku aqrinayeen qur’aan, ciidamada Itoobiyana ay beegsadeen iyagoo toogasho ku dilay dhammaantood,” ayuu mar kale yiri Xildhibaan Yaroow.

Xildhibaanku, Wuxuu intaas ku daray in dadka la dilay ay Dhammaatood Rag ahaayeen ayna da’doodu u dhexeysay 40 illaa 80 jir, waxaana ka mid ahaa; Aadan Bariirre oo ahaa odaygii deegaankaas.

Ugu dambeyn, Ciidamada Itoobiya iyo Taliska AMISOM ayaan weli wax war ah kasoo saarin eedeyntan, inkastoo Ururka Midowga Afrika uu barihiisa ku qoray inay soo gaareen warar sheegaya in ciidamadoodu ay ay laayeen dad shacab ah.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews