London(Berberatoday.com)-Madaxweyne Kuxigeenka Imaraatka carabta, ahna xaakimka imaarada Dubai Sheekh Maxamed Bin Raashid Aala Maktuum ayaa ka yaabiyay dadka ku safra tareenada rakaabka ee caasimadda Ingiriiska ee London.
Masuulka labaad ee ugu sareeya dalka Isutaga Imaraatka Carabta Bin Raashid ayaa raacay mid ka mid ah tareenada rakaabka ee dadka dabaqada dhexe ee dalka Ingiriisku ku safraan, waxaanu isagoo wiilka uu dhalay ee xilalka badan ka haya dalkiisu weheliyo ay fadhiisteen kuraasta caadiga ah ee Tareenka, laakiin rakaabkii oo aad ula yaabay arrintan ayaa sawiro kala daalay, waxa kale oo si wayn uga warantay warbaahinta dalka Ingiriiska, wallow aragtiyo kala duwan dadku ka bixiyeen, haddana wuxuu ahaa muuqaal ku cusub London.