Dowladda Masar Oo Qalab Millateri Ugu Deeqday Ciidamada Dawlada Xamar
July 20, 2016 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Wasiirka Difaaca Xukuumadda Somalia, Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini oo uu wehliyay Taliyaha Ciidamada Dawlada Xamar Jen. Maxamed Aadan Axmed, ayaa safiirka Dowlada Masar u fadhiya Somalia kala wareegay deeq isku jirtay gadiidka dagaalka iyo saanad ciidan oo loogu Talo-galay ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan Kamaandooska, si ay u xoojiyaan Hawl-galada lagula jiro Al-shabaab.