berberatoday.com
Guddoomiye CIRRO Iyo Wefdi Uu Hoggaaminayo Oo Saaka U Jarmaadey Tuulada Qotton-Dabo Ee G.Maroodi Jeex,Kana Qaybgaley Caleemo-Saarka Suldaanka Guud Ee Beelaha Maxamed Daa’uud (Guuyoobe)+SAWIRRO
July 20, 2016 - Written by Berbera Today

Qoton Dabo(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa saaka aroortii hore u jarmaaday Tuulada Qotton-dabo ee dhinaca bari ee magaalada Hargeysa ee gobolka Maroodi Jeex, isaga oo ka qayb galaaya caleeba saarka Suldaanka Guud ee Beelaha Maxamed Daa’uud (Guuyoobe),oo ka dhaceysa deegaankaasi.

Safarka uu saaka ku baxay guddoomiye CIRRO,ayaa waxaa ku wehelinayey saraakiil sar-sare oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI,waxaana ay ka qayb galayeen caleemo saarka Suldaan Sakariye Suldaan Maxamed Cabdilaahi (Galaal),oo lagu caleemo saarayo tuulada Qotondabo ee bariga magaaladda Hargeysa.

Wefdigan uu hoggaaminayo guddoomiye CIRRO,ayaa waxay soo dhaweyn ballaadhan kala kulmeen shacabka tuulada Qotton-dabo,waxaana ay ku soo dhaweeyeen caleemo qoyan.

Salaadiin,Wax-garad iyo cuqaal ku soo dhaweeyey guddoomiye Cabdiraxmaan CIRRO,iyo wefdigiisa tuuladaasi ayaa u galbiyey goobta uu ka dhacayo caleemo-saarka Suldaanka Guud ee Beelaha Maxamed Daa’uud (Guuyoobe),oo ka dhaceysa deegaankaasi ee Suldaan Sakariye Suldaan Maxamed Cabdilaahi (Galaal).

12345678

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews