Guutooyin ka Tirsan Ciidanka Burundi ee Qaybta ka ahaa Ciidamada AMISOM Ee Ku Sugan Somaliya Ayaa ku laabtay Dalkooda (Sawirro)
July 20, 2016 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Laba Guuto oo ka Tirsanaa Ciidamada AMISOM ee ka Socda Dalka Burundi ayaa dib ugu laabtay dalkooda, kaddib markii ay dhameysteen Hawl-galkoodii Soomaaliya oo ahaa hal sanno.
Dufcadii koowaad oo tiradoodu ahayd 1,891-askari ayaa ka dhoofay Magaalada Muqdisho Khamiistii la soo dhaafay, iyadoo Dufcadda kalena ay ka Dhoofi doonaan Somalia Toddobaadkan gudihiisa, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay taliska AMISOM ee Soomaaliya. 