Taliyihii Hore Ee Ciidanka Cirka Turkiga Oo Loo Qabtay Inuu Ku Lug Lahaa Afgambigii Fashilmay Ee Turki
July 20, 2016 - Written by Berbera Today
Ankara(Berberatoday.com)-Taliyihii hore ciidamada cirka ee Turkiga ayaa qirtay inuu qorsheeyay afgambigii milatariga ee toddobaadkii hore ee guuldaraystay, wakaalada wararka ee dowladda Turkiga ee Anadolu ayaa sheegtay.
Jeneral Akin Ozturk, ayaa la soo xigtay inuu u sheegay baarayaasha inuu doonayay inuu dowladda afgambiyo.
Sawiro jeneraalka ee ay soo daayeen Anadolu ayaa u muuqda inay ku yaalaaan dhowr dhaawac madaxiisa iyo qaarka hore jirkiisa.