berberatoday.com
Madaxweyne Siilanyo Oo Kasoo Laabtay Safar Caafimaad Oo Dalka Turkiga Uu Ugu Maqnaa
July 22, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Md, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa Maanta Gelinkii dambe ku soo laabtay Hargeysa, ka dib safar uu Muddo Toddobaad ah ugu Maqnaa Turkiga.

War-saxaafadeed Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland ka soo saaray soo laabashada Madaxweynaha ayaa u qornaa sidan, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, oo ay weheliyaan Marwada Koowaad ee Qaranka, Marwo Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane, Cali Axmed Cali ayaa galabta oo Khamiis ah dib ugu soo guryo noqday dalka, ka dib markii ay soo dhamaysteen todobaad nasasho ah oo uu ku joogay madaxweynuhu Magaalada Busra ee dalka Turkiga.

Madaxweynaha oo socdaalkiisu ahaa mid khaasa, sidaan hore u sheegnay  ayaa dalkaasi waxa ka dhacay intii uu ku sugnaa isku-day inqilaab, kaasoo ay fashiliyeen shacbiga dalkaasi oo si buuxda ugu hiiliyey madaxweynaha iyo dawladda ay soo doorteen, iyadoo madaxweynaha Somaliland, wax-alla-wax saamayn ah aanu ku yeelan afgenbigaa dhicisoobay.

1

Madaxweynaha ayaa markii uu dalka ku soo laabtay waxa uu hambalyo u diray shacbiga dalka turkiga sida ay u taageereen dawladdooda iyo madaxweynahooda iyo sida geesinimada iyo waddaninimada leh ee ay isku hortaageen kuwii damacsanaa inay xukunka ka tuuraan dawladda sharciga ah ee la soo doortay, waxaanu sheegay madaxweynuhu inay taariikh dhigeen ummadda reer Turki, ka dib markii ay diideen, kana horyimaadeen kacdoonka ciidamada qaarkood ku kaceen.

Ugu dambayn madaxweynuhu waxa uu dhambaal hambalyo ah u diray duqayda, waxgaradka, Madax-dhaqameedka, siyaasiyiinta, bulshada gobolada, Sanaag, Xaysimo iyo Sool, ajiibida ay kaga qaybgaleen gogoshii nabadeed ee uu hore u fidiyey Madaxweynuhu iyo heshiiska ay ka gaadheen fadhigii maalmaha qaatay ee ku qabsoomay degmada Awr-boogays laguna ansixiyey heshiiskaas, dadka deegaankuna ay isku raaceen inay ummaddooda Somaliland wax la qaybsadaan, waxna la wada qabsado, iyadoo laysku duuban yahay, meelna looga soo wada jeedo danta qaranka oo qof walba faa’iido u ah, sidoo kalena waxa uu bogaadiyey una mahadnaqay intii kasoo shaqaysay arrintaa taariikhiga ah.

Madaxweynaha waxa ku soo dhaweeyey madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, xubno ka mida golaha wasiirada, xildhibaano, culimo awdiin, madax-dhaqameed, taliyeyaasha Ciidamada iyo bulshada qaybeheeda kala duwan qaarkood.”

 

 

ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews