berberatoday.com
“Uma Maleynayo, Madaxwaynaha Iyo Xukuumaddiisu Inay Ogolaan Karaan In Kuwii 12 Sanadood Kuraasida Ku Daxalaystay Ay Ku Sii Maxaafsadaan Kuraasida Golaha Wakiillada..”
July 22, 2016 - Written by Berbera Today

Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey), Wuxuu Farriin U Diray Madaxweynaha Somaliland

Hargeysa(Berberatoday.com)-Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali-gurey), ayaa sheegay in aanay suurto-gal ahayn in Doorashada Madaxtooyada la qabto Xilligeeda oo Si gaar ah Muddada loogu kordhiyo Golaha Wakiillada oo uu sheegay inay Kuraasta ku daxaleysteen.

Warka Cali GureyMujaahidka oo Qoraal uu arrintaa kaga hadlayo ku baahiyey Baraha Bulshadu ku wada xidhiidho, ayaa isaga oo Arrimahaa ka hadlaya yidhi, “Dhinaca sharciga hadduu yahay Xeerka iyo Go’aankii muddo kordhintii Guurtida ee Maxkamadda Sare xalaalaysay yahay kuma jirto laba doorasho oo la kala qabanayo ee waxa jira oo keliya laba doorasho oo is huwan oo isku mar la wada qabanayo, waxaana loo muddeeyay 28 March 2017. Sida sharcigu yahay Go’aankii Maxkamadda Sarena ahaa labada doorashaba waa inay sidii loogu talogalay ku qabsoomaan hadii Allaha Awooda lihi aqbalo mana jirto carqalad aan laga gudbi karin oo hor taagan in labada doorasho xiligii loogu talogalay ku qabsoomaan, waa haddii daacad laga yahay. Madaxwaynaha, sidii uu hore u caddeeyay haddii ay ka go’an tahay in doorasho xor ah oo xalaal ah ka qabto dalka cid kale oo is hortaagi kartaa ma jirto xataa haddii ay Wakilladu ka cago jiidaan sidii horeba ay u caadaysteen inay saami qaabsi been ah oon jirin marnarsiiyo ka dhigtaan waanay muuqataa in arinkoodu yahay XEERKII HORE TUUR KU DAMBENA DIID. Markaa xilku wuxuu saaran yahay Madaxwaynaha hore uga ogolaaday 7 sanadood oo muddo kordhin ah inuu haddana ka ogolaado muddo kale oo kuraasida ay ku daxalaysteen ku sii fadhiyaan iyo in markan uu gaashaanka u daruuro kana furdaamiyo Qaranka belaayadan ku maran.”

Mujaahidka oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay, “Midna ma dhacayso haddii ay dib u dhacayso Doorashada Wakiilladu inay keligeed dib u dhacdo ee labada doorasho dib ayay u wada dhacayaan. Taasina haddiiba ay dhacdo waa ayaan darro kale iyo fashilaad Qaran. Wakiillada iyaga xaalkoodu waa nin qoyani biyo iskama dhawro wax ceeb ku ah iyo wax ay ka xishoodaan midna ma jiro marka ay dantoodu gaarka ah tahay, muxaafid iyo mucaaridna ma kala aha. Madaxwaynaha oo haddii ay ka go’an tahay inuu meel mariyo doorashada ay isaga u furan yihiin Waddooyin mid ka badani wuu suurtogelin kara in doorshadu ay ku qabsoonto sidii loogu talogalay waa haddii markan uu u hiiliyo qaranka uu isagu yahay masuulka ugu sareeya. Haddii sidii caadada ahayd uu ka talo qaato dad aynu ognahay in marna aanay si qaran u fakirayn horena ugu fakari jirin ee iyagu tooda gaarka ah iyo hadba sida ay ugu badinayso uun ka raacda dee way caddahay in saami qaybsi aan jirin haddana marmarsiiyo looga dhigan karo in la fashiliyo doorashada oo haddana muddo kale oo cimri dherarsi iyo isu kordhin ahi ay iman karto. Taasina waa qaran jab.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Iyada midna meesha ka saar in inta labada doorasho la kala qaado ta Madaxtooyada oo keliya la qabto waayo ma dhacayso Madaxwaynaha iyo xukuumadiisuna uma malaynayo inay ogolaan karaan idinku dareera oo kuwii 12 sanadood kuraasida ku daxalaystayna ilaa intay doonaan ha ku sii maxaafsadaan kuraasida mudada 7da sanadood ah kuwii xaqa u lahaa inay u tartamaana ay intaaba ku dul gaaf wareegayeen ee laga horjoogay. Haddii ay haddana mar kale dib u dhacdo doorashadu wax ka yar maaha ee waa khiyaamo Qaran oo sideeda u taal Iyo taariikh madow oo lagu xusi doono xiligii uu Madaxwayne Siilaanyo hoggaaminayay Somaliland. Somaliland qaran ahaana waxay ku tahay ceeb in kasta oo inta maanta talinaysa ay aad ugu yar yihiin inta si qaran u fakiraysaa hadii ay jiraanba. Kuwa maanta inoo talinaya danta qaranka waxa kala wayn danahooda ay gaarka u wada leeyihiin ama u kala leeyihiin. Markaa Somaliland Ilaah badbaadiya ayuun bay leedahay ee CIIDAN UMA MAQNA CEELNA UMA QODNA.”

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews