berberatoday.com
Gudigii Xaalka UCID Eegaysay Waxa Ay Dadka Ucadeeyeen, Waliba Aad Iyo Aad, Inaanu UCID Ahayn Wax Hal Qof Leeyahay.“Lawyaha Gartaada Uxidho, Oo Tii Laga Helona. Lib Ka Dhigo Garawshiiyaha, Oo Gacanta Laalaadi.”Qalinkii Maxamed Haaruun Biixi
July 22, 2016 - Written by Berbera Today

“Lawyaha gartaada u xidho, oo tii laga helona.
Lib ka dhigo garawshiiyaha, oo gacanta laalaadi.” Nimco Aadan Hurre.

 

Warku waa I soo gaadhay, sagaalka qodob na waa akhriyay. Gudigii xaalka UCID eegaysay waxa ay dadka u cadeeyeen, waliba aad iyo aad, in aanu UCID ahayn wax hal qof leeyahay. Waxa ay go’aanka ku sheegeen laba garab oo xisbiga ah, laakiin dhab ahaan meeshu waa Faysal iyo xisbiga intiisii kale. Si kastaba ha ahaato, go’aanka manta soo baxay waa mid micno wayn leh. Xubnaha gudiga oo isku duuban salaan baa aan u dirayaa. Sidoo kale, waxa aan salaamayaa saaxiibkay Faysal Cali Xuseen. Waxa igu maqaalo ah in uu Faysal diiday go’aanka gudida, waana ka xumahay. Taasi waa dhiig bax kale uun. Maxkamad kasta oo dhegaysata, heerka ay doonto ba ha leekaatto, Faysal waxa uu ka rabaa go’aan noocan ah: Gudoomiyaha xisbiga ayaa hagaagsan, waxa uu qalad u arkaana waa qalad. Musharaxa Jamaal, Gudoomiye Xigeenka (Cali-gurey) iyo Gudoomiyaha Golaha Dhexe, Sabca, dhamaantood waa wada eri, maxaa yeelay gudoomiyaha ayaa diiday. Rugta iyo reerka ba Gudoomiyaha ayaa iska leh, isaga ayaana wax walba isu ah. Sidaas baa uu doonayaa, sidaasi na marnaba iyo sinaba suurtagal ma u aha.

“Lawyaha gartaada u xidho, oo tii laga helona.
Lib ka dhigo garawshiiyaha, oo gacanta laalaadi.” Nimco Aadan Hurre.

 

Qalinkii Maxamed Haaruun Biixi

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews