berberatoday.com
Wasiir Shuceybka Warshadaha Oo Dhaliilo Uu Ku Xodxodanayo Madaxtooyada Oo Laga Dayriyay Ku Duray Wasiirkii Hore Ee Cadaalada Xuseen Axmed Caydiid
July 22, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa, 21 July, 2016-(Himilo) –  Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse, ayaa si indho la,aana oo jaahilnimo aqoon daro badani ka muuqato dhaliilo aan meel mar ahayn ugu jeediyay Wasiirkii hore ee cadaalada Xuseen Axmed Caydiid oo katirsan garabka isbaahaysiga Dimuguraadiyad doonka ah ee Xisbiga Kulmiye. Wasiir Shuceyb Maxamed Muuse oo baryahaa ka dhacsanaa la jaan qaadka siyaasada Xukumada Siilanyo iyo Xisbiga kulmiye Xurguf ismaan dhaafna ka dhex taagnayd Madaxtooyada lana sheegaayay in xilka laga qaado ayaa isyidhi Madaxtooyada ku xodxodo dhaliil aan si cilmiyana loo soo qorsheyn oo uu kula duldhacay wasiirkii Hore ee Cadaalada Xuseen Axmed Caydiid oo ah sharciyaqaan dhaliilo kulul oo Xukumadu ka gubato hadiyo jeer ku gana Xukumada Madaxweyne Siilanyo iyo Xisbiga kulmiye ee Muuse Biiuxi u afduuban. Wasiirkan yar ee Socod baradka ku ah siyaasada ayaa waxa uu yidhi”

Warka Wasiirka Warshadaha

“Xuseen Axmed Caydiid wuxuu yidhi Madaxweynihii aanu Waddanka u dhiibanay lama hayo.  Axmed markii uu yidhi KULMIYE waa la naga saaray waxaan u waydiiyey Gar-yaqaanna waad sheeganaysaa ee waxaad noo sheegtaa Sharciga kuu baneynaya adigoo KULMIYE Sheeganaya inaad Wada-hadal la furto Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI. Adigoon doonaya inaad waxaa Dadka ku qanciso ayaad Shir jaraa’id kasta oo qabato kaga hadlaysaa Wada hadal baanu la fureynaa WADDANI.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Xuseen Axmed  Caydiid is-diidsiinayo xaqiiqada, “Xuseen Axmed Caydiidoow, haddii aanad la mid ahayn Reer Bani-Israa’iil-kii Aayadda Ay doonayaana Akhriyi jiray, Aayadaha Kalena Indhaha Iska Qaban jiray Dadka waxaad ka qancisaa Sharciga kuu banneynaya Adigoo KULMIYE sheeganaya haddana aad wada hadal la furto WADDANI.

Wasiirka warshadaha Shuceyb maxamed Muuse ayaa hire u ahaa Gudoomiyihii Golaha deegaanka degmada Gabiley waxaanu kursigii bulshada reer gabiley usoo doortay ku bedeshay Jaahilnimadiisa Kursi lasoo magacaabo oo xiliga la doono laga eriyi karo isaga oo aan haba yaraatee garanayn qiimaha doorashada iyo codkii qiimaha lahaa ee lagu soo kaalmeeyay xiligii uu baahnaa ee uu codka ka doonaayay bulshada reer gabiley iyo waliba qoyskii uu matalaayay ee soo doortay waxaanu hada umuuqdaa masuul la jaanqaadi kariwaayay Siyaasadii Xukumada Madaxweyne Siilanyo iyo Xisbiga Kulmiye oo ku haftay gaabka siyaasadeed ee aanay wali gaadhin garashadiisu.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews