berberatoday.com
Wikileaks Oo Daabacday Emailo Laga Xadey Xisbiga AK Ee Uu Hogaamiyo Madaxwayne Erdogan
July 22, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Shabakada faafisa xogaha  siraha  ah ee dowladaha ee Wikileaks ayaa Salaasadii shalay shaacisay in ka badan 200 kun oo Email iyo lifaaqyo la socda oo laga jabsaday Emailada Xisbiga Xaakimka Turkiga ee AK party.

Xogtan ayey shabakada Wikileaks sheegtay in ay ku jiraan emailadii madaxda xisbiga Erdogan laga soo bilaabo sanadkii 2010 illaa bilowgii bishan July ee aanu ku jirno.

 

Shaacinta emailadan oo gaadhaya 294,546 ayaa lagu soo beegay xili wadanka Turkiga ay ka socdaan hawlgalo dawlada ay ku xidh-xidheyso dadka mucaaridka ah ee lala xidhiidhinayo inay ku lug lahaayeen inqilaabkii dhicisoobay.

 

Wallow  ay Wikileaks Isniintii ka hor in taanay  xogtan daabicin  ay sii sheegtay inay  xogtani  tahay mid wax badan ka iftiimineysa sirta xisbiga Erdogan, hadana emailadan ayaa intooda badan u muuqda kuwo ka hadlaya arrimaha Xisbiga AK Party ee siyaasadooda ku aadan xidhiidhka caalamka.

Emailadan kuma jiraan xog la xadhiidhta Inqilaabkii dhicisoobay ama weliba xog ku saabsan  mucaaridka dalkaasi Turkiga.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews