berberatoday.com
Xukumada Somaliland Oo Dawlada Kenya Ka Ogolaatay In Jaadka Suntan Badani Ku Jirto Ee Miirooga Somaliland Loo Soo Iib Geeyo Iyo Sababta Kaliftay Qalinkii Cabdikariin Axmed Mooge
July 22, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Cabdikariin Axmed Mooge Liibaan oo kamid ah dhalinyrada aqoonyahanka ah ee Somaliland hore u ahaan jiray Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Qorsheynta Qaranka balse xilkaas iska casilay hadana kamid ah dhalinyarada u ololaysa joojinta iyo dabar goynta Qabyaalada ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu kaga hadlaayo Somaliland oo ka ogolaatayt dawlada dawlada kenya in jaadka Sunta badan lagu beero ee magaciisa loo yaqaano Miirooga la keeno Somaliland Oo Loo soo iib geeyo isaga oo sheegay Cabdikariin Axmed Mooge Sheegay inuu magaalada Caasimada ah ee Hargeysa yimi Gudoomiyaha Gobolka Jaadkaasi miiroogu ka baxo ee Dalka keniya yimi islamarkaana Madaxda dawlada kala hadlay arinkaas isaga oo yidhi waxa aanu dawlada Kenya ahaan idin siinaynaa aqoonsi yar oo hoose oo dawlada kenyada idinkaga bedelanayso in aad ogolaataan in jaadkaas sunta Badan leh ee miirooga dadka reer Somaliland lagu gumaado qoraalkaas Cabdikariin Axmed Mooge waxa uu udhignaa sidan”

Gudoomiyaha gobolka Meru ee dhaqqaalihiisu ku dhisan yahay jaadka nooca loo yaqaan miiraha oo yimi Somaliland ayaa bartiisa FP ku sheegay in uu ku guulaystay in uu ku qanciyo madaxda Somaliland in ay tageeraan gudi-Farsamo oo loo saaray sidii jaadka miiraha lagu soo dhoofin lahaa Somaliland- IYADOO TAAS LAGAGA BADALANAYO NOOC’UUN AQOONSI AH, OO KENYA SIISO SOMALILAND.

Wadankeena ayay ceeb ku tahay in lagu sheego wadan ku badalanayaa aqoonsi yar oo aan dhamaystirnayn oo dawlada Kenya siiso Somaliland, si sunta miiraha lagu soo dhoofiyo Somaliland, waaba hanbada ka hadhay hawadeyguna ha madhato!!!

Xidhiidh iyo aqoonsi ku dhisan in sunta miiraha loo soo dhoofiyo Somaliland, ma’ha in madaxdeenu aqbasho waayo waa ceeb in aan u muuqano dal aan dadkiisa dan ka lahayn oo suntan ay ku madhanayaan dhaafsada aqoonsi. malaha haday tani rumowdo waxay taariikhda aduunku ku gali “AQOONSIGII MIIRAHA LA DHAAFSADEY”!!!

 

Cabdikariin axmed Mooge

 

 

Qalinkii Cabdikariib Axmed Moogee Liibaan

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews