Dawladda Ingiriiska Oo Sheegtay Inay Masuuliyiinta Xukumada Siilanyo Siin Doonto Toobabar La Xidhiidha Ladhaqanka Saxaafada Madaxa Banaan Iyo Xoriyada Hadalka
July 23, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-)-Dawladda Ingiriiska ayaa soo bandhigtay heerka uu marayo dagaalka ay dawladda Somaliland kula jirto saxaafadda madaxbanaan.
Warbixinta lix biloodlaha ah ee ay dawladda Ingiriisku ka soo saarto xaalada xuquuqal insaanka adduunka, ayaa waxa sannadkan dhinaca Somaliland hadheeyay xiisadda ka dhex oogan saxaafadda iyo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. Waxay dawladda Ingiriisku gunaanadka warbixinteeda ku sheegtay inay masuuliyiinta dawladda Somaliland siinayso tababar ku saabsan sida ay saxaafada ula macaamili karaan iyo weliba ahmiyada uu leeyahay xorriyada hadalku. Waxa warbixintu ay tidhi “Xorriyadda hadalka iyo xidhitaanka saxafiyiintu weli wuu sii socdaa. 11 saxafi ayaa la xidhay intii u dhaxaysay10 December 2015 iyo 1 April 2016. Saddex saxafi oo kale ayaa la xidhay oo haddana amar maxkamadeed lagu sii daayay bishii May. Madaxweynaha iyo marwada koowaad ayaa xareeyay dacwado ciqaabeed oo ka dhan ah guddoomiyaha wargeyska Ogaal iyo tifaftiraha iyo guddoomiyaha wargeyska Hubsad.”