berberatoday.com
Dawladda Ingiriiska Oo Sheegtay Inay Masuuliyiinta Xukumada Siilanyo Siin Doonto Toobabar La Xidhiidha Ladhaqanka Saxaafada Madaxa Banaan Iyo Xoriyada Hadalka
July 23, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-)-Dawladda Ingiriiska ayaa soo bandhigtay heerka uu marayo dagaalka ay dawladda Somaliland kula jirto saxaafadda madaxbanaan.

 

Warbixinta lix biloodlaha ah ee ay dawladda Ingiriisku ka soo saarto xaalada xuquuqal insaanka adduunka, ayaa waxa sannadkan dhinaca Somaliland hadheeyay xiisadda ka dhex oogan saxaafadda iyo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. Waxay dawladda Ingiriisku gunaanadka warbixinteeda ku sheegtay inay masuuliyiinta dawladda Somaliland siinayso tababar ku saabsan sida ay saxaafada ula macaamili karaan iyo weliba ahmiyada uu leeyahay xorriyada hadalku. Waxa warbixintu ay tidhi “Xorriyadda hadalka iyo xidhitaanka saxafiyiintu weli wuu sii socdaa. 11 saxafi ayaa la xidhay intii u dhaxaysay10 December 2015 iyo 1 April 2016. Saddex saxafi oo kale ayaa la xidhay oo haddana amar maxkamadeed lagu sii daayay bishii May. Madaxweynaha iyo marwada koowaad ayaa xareeyay dacwado ciqaabeed oo ka dhan ah guddoomiyaha wargeyska Ogaal iyo tifaftiraha iyo guddoomiyaha wargeyska Hubsad.”

Warbixinta oo ka hadlaysa xadhiga iyo xayiraadda saxafiyiinta iyo hay’adaha warbaahineed ee kale, waxay tidhi “Guddoomiyaha Wargeyska Foore ayaa isna la xidhay 29 May. Codka Shacabka ayaa waxa uu xayiranyahay ilaa November 2015 Haatuf ayaa isna xayiran ilaa sannadkii 2014. Ururada saxaafadda Somalialnd ayaa xareeyay dacwad ka dhan ah wasiirka daakhiliga iyo ilaaladiisa oo loo haysto inay afduubeen oo ay 26 March garaaceen saxafi.”

Dawladda Ingiriisku, waxay ugu dambayn sheegtay inay dawladda Somaliland ku tababarayso qaabka ay saxaafadda ula macaamili karaan, “Ingiriisku wuxuu dawladda ku tababaryaaa wanaajinta xidhiidhka ay la leedahay warbaahinta iyo fahamka ahmiyada uu xoriyatal qawlku leeyahay.”

Warbixinta waxa kale oo lagaga hadlay kiisaska qisaasta ah ee ay dawladda Somaliland fulisay oo uu Ingiriisku muujiyay walaaca uu ka qabo.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews