berberatoday.com
Hargeysa: Bandhigga Caalamiga Ah Ee Buugta Hargeysa Oo Shalay Furmay
July 23, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)Bandhigga Caalamiga ah ee Buugta Hargeysa oo ah mid ka mid ah munaasibadaha akhriska, aqoon-wadaagga iyo doodaha cilmiga ku dhisan ee ugu wayn bariga Afrika, ayaa shalay ka furmay magaalada Hargeysa.

buugaagta

 

Bandhiggan oo ah kii sagaalaad, soconna doono muddo lix maalmood ah, ayaa saaka ka furmay Huteelka Guuleed ee magaalada Hargeysa. Bandhiggan oo sannad kasta qaata halkudheg ka jawaabaya babac-dhigyada Somaliland horyaalla. Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo ka wakiil ah Seeska Hiddaha iyo Dhaqanka ee REDSEA, hal-ku-dhegga sannadkan ee Bandhigga Buugaagta Caalamiga ahi waa ‘Hoggaaminta iyo Curinta’ oo ka turjumaysa in ay bulshadu wax ka barato nooca hoggaamineed ee loo baahan yahay iyo curinta fikrado siyaasadeed iyo qaar bulsheed oo horseed u noqon kara horumar, sinnaan iyo caddaalad kana turjuma hadafka guud ee ummadeed.

Warsaxaafadeedkaasi ayaa lagu yidhi, “Bandhigga Buugaagta Caalamiga ee Hargeysa waxa uu fursad siin doonaa in hal-abuuryaashu ay wax ka yidhaahdaan mustaqbalka bulshadooda. Qorayaasha, gabayaaga, culimada, suxufiyiinta iyo aqoonyahanka kele ee isaga kala yimid dhamaan daafaha dunidu waxa ay ka qaybgalayaasha la wadaagi doonaan hal-abuurkooda kala duwan oo isugu jira qoraallo, muxaadarooyin, farshaxan, masraxiyado, miyuusig iyo fikir is waydaarsi. Madashu waxa ay cid walba fursad u siinaysaa dood-wadaag iyo is waydaarsiga aragtiyaha iyo fikradaha kala duwan. Ka qaybgalayaashu waxa ay fursad u heli doonaan in ay la falgalaan, lana kulmaan aqoonyahanno magac weyn ku leh dunida guud ahaan iyo Somaliland gaar ahaanba. Kuwaas oo inta bandhiggu socdo ay ka qaybgalayaashu wax ka waydiin karaan curisyadooda iyaga oo ka faa’idaysanaya khibraddooda iyo aqoontooda kal duwan.

Sidii dhaqanka bandhiggu ahaa, waxa doorkanna bandhigga inoo daadihinaya akhyaar isaga timid dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba isuguna jirta Soomaali iyo ajaanib ka kala yimid daafaha adduunka kuwaas oo hadafka keliya ee ay u imanayaan ay tahay in ay inagala qayb galaan bandhigga wax badanna ay inaga bartaan innaguna aynu wax ka baranno. Ka soo qayb-galayaashu waxa ay isugu jiraan qoraayo, hal-abuurro, aqoon-yahanno, mufakiriin iyo khubaro keleba.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews