Madaxweyne Siilaanyo Oo Saddex Bilood Ka Dib Buuxin Kari La’ Taliyaha Ciidanka Badda
July 23, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-29 April 2016 ayay ahayd markii uu Madaxweyne Siilaanyo goor habeenimo si kedis ah xilkii uga qaaday taliyihii ciidanka badda Sareeye guuto Maxamed Xuseen Xiirane iyo wasiirkii boosaha iyo isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal.
Saddex bilood ayaa laga joogaa markii uu Madaxweynuhu labadan masuul xilka ka qaaday. Hase yeeshee waxa madaxweyne Siilaanyo ku adkaatay inuu buuxiyo labadan xil, gaar ahaan xilka taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha iyo badda oo marka ahmiyadiisa la eego ay adagtahay in ciidanku bilaa taliye noqdo wax maalmo ka badan.