berberatoday.com
Tirada Dad Ku Dhintay Iyo Kuwa Ku Dhaawacmay Weerar Koox Hubaysani Ka Fulisay Magaalo Jarmalka Ku Taalla
July 23, 2016 - Written by Berbera Today

Munich(Berberatoday.com)-Ugu yaraan Lix qof ayaa ku dhintay, in ka badanina way ku dhaawacmeen, weerar ka dhacay magaalada Munich ee waddanka Jarmalka, halkaas oo la rumaysan yahay inay koox argaggixiso ah oo hubaysani weerareen.

BOOLISKA MAGAALADA MUNICH EE DALKA JARMALKA

BOOLISKA MAGAALADA MUNICH EE DALKA JARMALKA

Ciidammada Booliska dalka Jarmalka,  ayaa ka wada magaalada Munich ee Koonfurta Jarmalka hawlgal ballaadhan oo ay ku baadigoobayaan ugu yaraan saddex qof oo la rumeysan yahay in ay ku lug lahaayeen weerar ka dhacay meel lga dukaameyste.

Afhayeen u hadlay Booliska Munich, ayaa sheegay in lix qof lagu dilay weerarka, tiro kalena lagu dhaawacay. Booliska ayaa sheegay in weerarkaasi uu noqon karo mid argaggixiso. Ciidammada Ammaanka, ayaa isku gaadaamay goobta uu weerarka ka dhacay Jimcihii Maanta.

Sidoo kale, waxaa la joojiyay guud ahaan isu-socodka Gaadiidka ka dhex shaqeeya magaaladaas, waxaana magaalada dul duulaya diyaaro kuwa qumaatiga u kaca ee Helikobtar-ka loo yaqaan oo ay Booliska Jarmalku leeyihiin.

Weerarka ayaa billowday ka dib markii Rag hubeysani ay Tacshiirad Rasaas ah ku fureen Maqaaxi ku dhex taa goob laga Dukaameysto oo ku taalla Suuqa magaalada Munich oo ku taalla Koonfurta waddanka Jarmalka.

Dad goob-joogeyaal ah, ayaa Saxaafadda qaarkeed u sheegay in ay arkeen ugu yaraan saddex Nin oo rasaasta markii la furay ka dib ku sii cararaya Tareen halkaas ka ag-dhow. Haybta iyo ujeeddada Dableydan weerarka fulisay wali lama aqoonsan. Hase-yeeshee, weerarkan ayaa ah kii labaad ee toddobaad gudihii ka dhaca dalkaas.

Isniintii la soo dhaafay, ayaa Wiil dhawr iyo toban jir ah waxa uu Magaalada Bavaria Masaar iyo Toorrey ku weeraray Rakaab saaran Tareen. Madaxweyne Obama ayaa sheegay in Mareykanka uu Jarmalka u ballan-qaadayo wax kasta oo ay uga baahdaan oo dhinaca ammaanka la xidhiidha.

 

 

 

Xigasho BBCSomali.com.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews