berberatoday.com
Wasiirka Madaxtooyada Oo Ballan-qaaday In Xukuumaddu Fulinayso Heshiiska AWR-GOOBEYS
July 23, 2016 - Written by Berbera Today

Awr-boogeys(Berberatoday.com)-Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa shaaca ka qaaday in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay ka go’an tahay hir-galinta heshiis Shalay lagu saxeexay deegaanka Awr-boogeys ee Gobolka Sool, kaasi oo u dhexeeya Xukuumadda iyo Beelaha Dhulbahante ee Maxamuud Bari, Hinjiinle, Kaskii Qabe.

????????????????????????????????????

Heshiiska Xukuumadda Somaliland iyo Beelaha Maxamuud Bari, Hinjiinle, Kaskii Qabe (Dhulbahante) ku kala saxeexdeen Degmada AWR-BOOGEYS, ayaa Nuxurkiisu yahay in la daboolo tabashada Beelahaasi ka qabaan Saami-qaybsiga Goleyaasha Qaranka, lana horumariyo Deegaannada Beelahaasi degaan, iyaguna Dawladda kala shaqeeyaan Nabadgalyada, Midnimada Ummadda isla-markaana dhiiri-geliyaan in Dadweynuhu ka qayb-qaataan Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha.

Wasiirka Madaxtooyada JSL Maxamuud Xaashi Cabdi oo gabogabadii Shirkaasi ka jeediyya khudbad dheer, ayaa ballan-qaaday in Xukuumaddu sidiisa u fulinayso Heshiiskaasi, waxaanu yidhi, “ILAAHAY (SWT) ayaanu ugu horayn u mahad naqaynaa inoo suuro galiyey munaasibaddan, isaga ayaa mudan inaynu u mahad naqno mar walba, ILAAHAY haddii aanu doonin waxba inoomay qabsoomeen, waxa aynu wadnaa waa camal khayr leh oo aynu ILAAHAY ugu dhawaanayno, danteenana aynu kaga arriminayno.”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay, “Shirkan aynu isugu nimid ee SAMO TALIS, waxa uu inoo socday Saddex Maalmood, shirku marna golaha ayuu ka socday marna gaar ayuu u socday, waxaan aad ugu mahad celinayaa cuqaasha halkan joogta ee shirkan inagala soo qayb gashay. Ragga halkan nala joogaa kuwo aanu sasabi karno, laaluushi karno ama xaduuli karno maaha, waxa weeyaan rag waxgarad ah, waa rag mutacalimiin ah, kuwo anaga naga aqoon badan ayaa ku jira, shirar badan oo nabadeed ayaan ka soo shaqeeyey ilaa 1991-kii, intaan arkayey rag ka xaajo qaadsan, oo waxoodu ka habaysan yihiin naadir ayaan ka arkay runtii, afgobaasi igama aha, si adag ayaanu u wadahadalnay, waxay ka turjumayeen dareenka dadkooda, anaguna waxaanu ka tujumanay dareenka Xukuumadda Somaliland iyo umadda inteeda kale.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Xaqiiqdii wax badan ayaa is badalay, bisaylka waxgaradka iyo quluubta ay maanta soo jeediyeen waanu ugu hambalyeynaynaa, shalay ayey ahayd markii waxgaradkan Isimadan iyo kuwa kale ee Dhulbahante-ba aanaan isla dhaafi jirin ciidanka naga qaada iyo wada hadli mayno hadaydaan qaadin, maantana waxa nalagu canaanayey waxqabad iyo nabada aan xoojino. Waxaanu garwaaqsanay in aynaan kala maqnaashaheena wax ku noqon Karin, waxaanu garwaaqsan nahay in tallo nin kaligii ahi uu qaatay aanu ka kale waxba ku toli Karin, markaas arrimaas oo dhan wax weyn ayaan u arkayey.”

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland ayaa geesta kalena ka hadlay heshiiskaasi ay qalinka ku duugeen waxaanu yidhi “ Go’aamadaas la akhriyey ayaanu isla meel dhignay odayaasha, oo ku heshiinay, may ahayn go’aamo golle kaga kac ah, sidaaba iskugu maanu qabaneen, marba dhinac umaanu badalneen, waxaanu kaga wakiil nahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu kaga wakiil nahay Qaranka Somaliland. Heshiiskaas waxaanu ku dadaalaynaa inaanu fulino, idamka ILAHAY, way naga go’an tahay in Qarankan la mideeyo oo la ururiyo, way naga go’an tahay in dawlad-nimada iyo maamulka lagu fidiyo deegaamadan, waa dhul aad u wayn, waxana ka muuqda dib u dhac iyo inuu u baahan yahay maamul adag, waxa aynu samaysan doonaa talaabooyin qorshaysan.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews